Sign in to follow this  
Liibaan

'Riyaale wuxuu ku dhaqmayaa Keli-talisnimo Qaawan oo Qeexan oo ummad baabi'in ah,'

Recommended Posts

Liibaan   

'Riyaale wuxuu ku dhaqmayaa Keli-talisnimo Qaawan oo Qeexan oo ummad baabi'in ah,' Axmed Siilaanyo

 

 

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay inuu hortaaganyahay dhaarinta xubnaha Koomishanka doorashooyinka Qaranka ee ay Golaha Wakiiladu ansixiyeen.

 

Md. Siilaanyo, oo ay Idaacadda Waaheen ee Internetku shalay ka qaaday waraysi, waxa uu shacbiga ugu baaqay inay xaqa iyo ku dhaqanka Distoorka u hiiliyaan.

 

Ugu horayn Md. Siilaanyo oo la weydiiyay aragtidiisa muranka ka taagan dhaarinta xubnaha Koomishanka doorashoyinka iyo weliba labada xubnood ee ay Golaha Wakiiladu is hortaageen inay ka mid noqdaan Koomishanka, waxa uu yidhi, "Arrintaas, waxaan u arkaa in la abuurayo muran aan loo baahnayn. Arrinta Koomishanku jidkii dheeraa ee ay soo martay waa la wada ogaa. Wakhtigii hore waa tii goluhu uu si ka yeelay ee uu sababo u yeelay celintii uu markii hore celiyay. Waa tii Rayaale diiday ee uu Maxkamadda sare u gudbiyay, Maxkamadiina way soo celisay oo waxay tidhi kordhiskii Baarlamaanku u kordhiyay xubnihii hore ee koomishanka waxba kama jiraan, marka labaadna waxay yidhaahdeen waa in mid mid loogu codeeyaa, marka saddexaadna waxay yidhaahdeen waa in la soo dhammaystiraa. Annagu xisbi ahaan iyo goluhuba xaq iyo maslaxad iyo dan u arkayn ayaa haddana waxa qasab noqotay in loo hoggaansamo go'aankii Maxkamadda Distooriga ahayd, Golihii Wakiiladuna wuu yeelay, annaguna dan ayaanu u aragnay in jidkaas la maro. Maxkamadii sare waxay fulinaysay rabitaankii uu doonayay Daahir Rayaale Kaahin.

 

Golihii Wakiiladu dib ayuu u fadhiistay qodob qodob ayaanay u raaceen go'aankii Maxkamadda sare, waxaanay ugu codeeyeen xubin xubin, wax kale oo hadhayna ma jirin. Markii loo codeeyay shan xubnood way gudbeen labana way gudbi waayeen. Ma jiro sharci odhanaya xubnaha Baarlamaanka uurkooda iyo maskaxdooda hala jeexo oo sababahay qof ama cid ugu codayn waayeen hala baadho. Arrinta waajibka ahayd waxa weeyaan Baarlamaanku ma maray jidkii loo jeexay mise ma marin?, wax kale oo meesha jiraa ma jiraane waxay ahayd in xubnahaas xubno kale lagu soo bedelo. Arrintaas Rayaale ayaa iska soo taagay sidii uu waxyaalo hore isu hortaagay. Maanta waxa lagu jiraa bishii toddobaad, miisaaniyadii maanta sida lagu dhaqaa waa qayral sharci Distoorka ka soo horjeeda, miisaaniyadii sidii sharciga ahayd Baarlamaanku u gudbiyay wuu is hortaagay, talaabo kasta oo hore loo qaado wuu is hortaagay, maanta wuxuu Rayaale ku dhaqmayaa kelitalisnimo Qaawan oo Qeexan oo Umad Baabiin ah oo Dal Baabiin iyo Distoor Baabiin ah, waana loo wada jeedaa oo waa la wada arkayaa. Markaad tidhaahdo sababta loogu noqonayaa waa maxay, maadaama sidii maxkamadu u tidhi ee sharciga ahayd loo codeeyay, markaad arkayso sidii sharciga ahayd oo markiisii horeba aan cadaalad ku fadhiyin haddana sidiisii loo raacay, uu maantana yidhi anigaa inaadeerkay ku jiraaye dib ha loogu noqdo, lama dhaarin karo, ma socon karaan ee uu dhaqaajiyay cidduu diran jiray ama goleyaal kale ha ku jireen ama dibad ha joogeene, sharcigu wuu cadyahay, Distoorku wuu cadyahay, maxaa indhaha la iskaga tuurayaa, shacbigana waxa looga baahanyahay inay xaqa iyo sharciga u hiiliyaan.

 

Anigu ashkhaastaas meesha laga saaray ama cidday ka soo jeedaan wax dhimaato ah uma qabo, maba aqaan qaarkood, qaarna waan aqaan, wax ceeb ah oo aan ku sheegayaana ma jirto, ee waxa laga hadlayaa waa sharciga, waxaanan 100% aaminsanahay oo aanu xisbiyada mucaaradka ah isku af garanay arrintaas wax loogu noqdaa ma jirto, waxa weeye Guurtidu ha soo magacaabeen labo xubnood oo kale oo hala gudbiyo, laakiin maalin walba sharciga halagu tunto oo waxa uu Rayaale doonayo haloo fuliyo umaduna kuma dhaqmi karto qarankuna kuma socon karto".

 

Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay aragtidiisa ku waajahan xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti ee xumaaday waxa uu yidhi, "Djibouti iyo Somaliya iyo Itoobiya dhammaantood waa dalal aynu jaarnahay oo dano badani inaga dhexeeyaan. Dadka waxna way idinka dhaxayn karaan waxna waad isku khilaafi kartaan, inaad wax walba 100% isku aragti ka noqotaan khasab maaha. Somaliland waxay leedahay masaalix, danta ugu weyn ee aynu wadanaana waa Ictiraaf, qoladii aynu Ictiraaf ka weynay macnaheedu maaha waynu la coloobaynaa. Haddii aanay dhibaato ama colaad kale inagu qaadin sabab aynu aflagaado ama dhibaato ama xumaan ugu gaysanaa ma jirto. Intii masaalix inaga dhaxaysayna waynu wada wadanaynaa, intii aynu isku diidanahayna waynu isku diidanaanaynaa. Markaas Djibouti iyo madaxdeedu annagu waanu ixtiraamaynaa waanan qadarinaynaa, waayo waa dad aanu walaalo nahay oo dano inaga dhexeeyaan oo aynaan kala maarmayn, in mar walba xidhiidhkeena aynu wanaajinana waanu doonaynaa".

 

 

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this