Sign in to follow this  
Sky

New Puntland Police Chief To Restore Puntland Security

Recommended Posts

Sky   

Taliye cusub ee Boliska oo loo magcabay Puntland

 

Out with the old....

 

nuursalaad6if.jpg

 

and in with the new.

 

270705_yusuf_ahmed1.jpg

 

Madaxwyanaha DG Puntland ayaa maanta wareegto uu soo saaray ugu magacaabay G/Sare Yusuf Ahmed Khayr isla markaana xilka ugua qaaday taliyihii hore ee xilkaan hayay G/sare Nuur Salaad.Xil ka qaadistaan ayaa ka dambaysay codsiyo is daba joog ah oo maalmahan ka soo yeerayay....

 

 

Taliyihii hore Nuur Salaad isagoo cududaar ka muujiyay xaaldaiisa caafimaad iyo midiisa da'a ahaanba, ayaa waxa indhowydba lagu jiray baadigoob sidii loo heli lahaa taliye cusub oo buuxiya kaalintii waayo aragnimo uu lahaa taliyihii hore.

 

Sarkalkan cusub ayaa sida warar xogogaal ah sheegayaan ayaa ah nin dar dar galin kara howlaha nabadgalyo oo horyaala Boliska Puntland iyo ka hortagidda amni xumo ee maalmahan la soo gudboonatay Gobalada Puntland.

 

Hadal haynta ugu weyn ee saakay gudaha Magaalada Garowe waxaa ay tahay Magacaabista Sargaalkaan Mar aan la dhexmarnay saakay Microphonka Radio Garowe ayaa qaar badan oo kamid ah sarakiisha ciidamada waxaa wejiyadooda ka muuqatay inay soo dhoweynayaan sarkaalkaan Cusub.

 

Sidoo kale taliyihii hore Nur salad ayaa soo dhoweeyay magaacabistaan isaga oo ku tilmamay talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

 

Isha wararka-Radio Garowe-Puntland/Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:-Waxaa jira warar sheegayaa in Xilkii laga qaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland G/sare: Nuur-salaad Muuse Cali, oo ay qoreen qaar ka mid ah Wabysaytyada Puntland, hadaba si aan arintaas u xaqiijino ayaan waxaan goor dhawayd gurigiisa ku booqday Nuur-salaad Muuse Cali.

 

G/sare: Nuur-salaad Muuse Cali wuxuu ii sheegay in aysan isaga soo gaarin Dikreeto xilka loo qaaday, hase ahaatee uu yahay mawaadin Xilkana laga qaadi karo, wuxuuna intaas ku daray in Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska waliba Taliyaha Ciidanka Xilka looga qaadi karo Dikreeto ka soo baxdaxday Xafiiska Madaxwaynaha, Madaxwaynihiina uu hadda maqan yahay oo uu ambabaxay.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland G/sare Nuur-salaad Muuse Cali, wuxuu xusay in dhawr jeer oo hore uu codsaday in xilka laga badalo, maadaama uu haatan ku gudajiro xili Cibaado iyo nasasho.

 

Sikastaba ha'ahaatee, Nuur-salaad Muuse Cali, ayaa khibrad aad u wayn oo gaaraysa in ka badan 60 sano u leh hawlaha iyo Sharciyada Ciidanka Booliska, tan iyo intii uu ahaana Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ayuu ku guulaystay dhibaatooyin iyo khal-khal so wajahay qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee Puntland, sida isha dhaqaalaha Puntalnd ee magaalada Dekada ah ee Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this