Sign in to follow this  
Saalax

Taageerayaashii Ugu Badnaa ee Ka Soo Baxa Xisbiga Kulmiye

Recommended Posts

Saalax   

Burco: Taageerayaashii Ugu Badnaa ee Ka Soo Baxa Xisbiga Kulmiye Oo Maanta ku soo biiray Xisbiga UDUB.

 

Burco(Ramaas) Jan. 25, 2010 - Boqolaal Qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ee gobolka Togdheer oo ka soo wareegay xisbigaasi ayaa maanta si toos ah ugu digga rogtay Xisbiga UDUB.

 

 

2i1qpo72a1vzepg8559l.jpg

 

 

Taageerayaashan ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo ahaa kuwii ugu badnaa ee indhawayto la arko ee ku biira Xisbiga UDUB kana yimaada Kulmiye gobolka Togdheer ayaa iskugu jiray Shan kooxood oo kala duwan ,kuwaas oo kala ahaa Ciyaartooyo u ciyaari jiray Xisbiga Kulmiye oo ka kooban Sedex Group ,Fanaaniin iyo Qurbojoog

 

 

nip3sw1phkmbg99sv1cg.jpg

 

 

Munaasibad balaadhan oo Xisbiga Udub uu ku soo dhawaynaayay taageerayaashan baaxada leh ee ku soo biiray oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta Sar sare ee xisbiga Udub ee gobolka Togdheer Heer gobol mid Garab iyo mid Degmo ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Cigaal ee magaalada Burco ee Caasimada gobolka Togdheer.

 

 

yj6vywknq6kn8rdh7jkm.jpg

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadaas ay u sameeyeen taageerayaasha ku soo biiray xisbigooda ayaa sheegay in dhalinyaradan ku soo biirtay maanta oo markii hore taageeri jiray Xisbiga Kulmiye in ay arkeen in Danta iyo Midnimada Somaliland ay ku jirto Xisbiga talada haya ee UDUB kaas oo uu sheegay in uu ku caano maalay Nabad iyo isku duumni uu ka dhexsameeyay Bulsho waynta Somaliland .

 

 

1t6x79hohk12it79uhc2.jpg

 

 

Waxaanu intaasi ku daray Mr.Ayaanle oo uu u sheegay in Dhalinyaradan ku soo biiray Xisbigooda maanta laga bilaabo in ay ka mid noqonayaan maamulka iyo masuuliyiinta Xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer oo aan laga xigi-doonin isla markaana si gaar ah u taakulayndoonaan Dhalinyarada Kubadada Cagta ee ku soo biiray UDUB si ay cagahooda iskugu taagaan.

 

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer Sahra Dubad oo iyana ka hadashay Munaasibadaasi ayaa sheegtay Boqolaalkan Qof ee ka soo baxay Xisbiga Kulmiye ee ku soo biiray xisbigooda in ay ka mid ahaayeen Dhalinyaradii ay kaga timi Xisbiga Kulmiye sidaa awgeedna waxay sheegtay marhadii ay maanta ka soo guureen Kulmiye oo ay u suu noqdeen UDUB in ay u balan qaadayso Kooxaha Ciyaartooyadada ah in ay u dirto Koobab ay ku ciyaaraan.

 

Farxaan Aadan Jirde oo isna ah Gudoonka Garabka dhalinyarada Raga ah oo isna madashaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay farxad weyn u tahay Xisbigooda mar hadii ay maanta taageerayaashii ugu badnaa ee Kulmiye ku soo biiraan UDUB ,sidaa awgeedna waxa uu xusay in ay isla garabtaagayaan Saamiga ay ku leeyihiin Dhalinyarada Xisbiga maanta wixii ka danbeeya.

 

Dhinaca kale Gudoomiyayaasha watay Sedexdan Kooxood ee ciyaartooyada ah ee Kulmiye ka soo hayaamay oo u hadlay Dhalinyaradan ay wateen ayaa sheegay in ay Kulmiye uga yimaadeen Maamul xumo iyo Cadaalad-daro ay sheegeen in uu habaya yaraatee waxba kaga qaban waayay Sedex-sano oo ay magaciisa ku ciyaarayeen baahiyaha Aasaasiga ah ee Dhinaca Isboortiga ka haystay kooxahoodan ,sidaasna ay ku gu'aansadeen in ay ku biiraan Xisbiga Talada haya iyagoo Oodahoodii wata .

 

Waxaaney amaan usoo jeediyeen Madaxda Xisbiga UDUB ee hogaamiya Xukuumadda Somaliland.

 

Ugu Danbeyntii masuuliyiinta Xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer ayaa markii danbe Kooxahan Kubada Cagta ee ka soo digga rogtay Xisbiga Kulmiye gudoonsiiyay Qalabka ciyaaraha oo iskugu jiray kubado iyo dirayska lagu ciyaaro ee Sportiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this