Sign in to follow this  
Saalax

Al Shabab oo Madafiic ku garaacay Beledhawo - Gedo

Recommended Posts

Saalax   

2010-10-27 22:34:40] Wararka ka imaanaya Degmada Beled-Xaawo ee woqooyiga Gobolka Gedo ayaa waxaa ay ku soo waramayaan in Goor Dhawayd lagu Soo garaacay Madaafiic kuwaasi oo la sheegay in Soo tureen Mileeshiyaadka Shabaab oo Dhawaan laga saaray Degmadaasi.

 

Madaafiicdani ayaa la sheegfay in laga suutuuray Duleedka Degmada Beled-Xaawo gaar ahaana Deegaanka Loo yaqaano War Cadeey, waxayna Sheegeen Dadka Deegaanku in ay Madaafiicdaasu ay u malaynayaan in ay ahaayeen kuwo laga soo ridayay Qoryaha loo yaqaano Hoobiyeyaasha.

 

Wararka ayaa waxay inta badan ku dhacayeen Goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dawlada KMG ee Soomaaliya iyo Culima Awdiinka Ahlu Sunna.

 

Ciidamada Dawlada KMG ee Soomaliya iyo Culima Awdiinka Ahlu Suna ayaa waxaa lagu Soo waramayaa in ay iyaguna Jawaab ka bixiyeen Madaafiicdaasi waxaana ay Dhawr Madfac ku tuuren Goobtii lagaga Soo tuuray madaafiicda.

 

Madaafiicdani oo aan la ogayn qasaaraha dhabta ah oo ay Gaysteen ayaa waxaa ay cabsi iyo Wal Wal hor leh ku abuureen dadka ku haray Gudaha Degmada Beled-Xaawo.

 

Waxaa sidoo kale la filayaa in waabarigii uu mar kale dagaal dhex maro dhinacyada isku haya Magaalada Beled-Xaawo.

 

wixii Warar Ku Soo Kordha Kala Soco Gedo24news.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this