Sign in to follow this  
Emperor

Rise of Godane, fear of the secessionists: Riyaale speaks out ::: Alshabaab

Recommended Posts

Emperor   

MADAXWEYNE RAYAALE: “Soomaaliya waxa ka soo baxay waa Diin-la’aan iyo Ururo Diineed aafo ku ah Mandaqadda”

 

Isniin, 18 May 2009 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka hadlay Xaaladda Somaliland, sidoo kalena wuxuu ka hadlay Urur-Diineedyada Dagaallada kaga jira Koonfurta Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dhibaato ku soo korodhay Mandaqadda Geeska Afrika.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo Xuskii Munaasibadda 18-ka May oo lagu qabtay Beerta Xorriyadda ee Hargeysa khudbad ka jeediyay, ayaa waxyaabihii uu ka hadlay waxa ka mid ahaa Kooxaha iyo Ururada Diimeed ee Koonfurta Soomaaliya ka jira, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah guud ahaan Mandaqadda Geeska Afrika. “Waxaan cambaarayn u jeedinayaa iyo digniin cid kasta oo ku hawlan Falal ka dhan ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Nabadda iyo Kalsoonida Umadda.

 

Waxa hubaal ah in Cadowga Somaliland aanu kaligii wax ina yeeli Karin haddaan qaar inaga mid ahi gacan siinayn..Qarankii Argagixiso ee 29-kii October ka dib, waxa abuurmay dareen feejigan oo keentay in hub culus oo dalka la soo geliyay la qabto.” Ayuu yidhi M/weynuhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Waxa Soomaaliya ka soo baxay Ururo leh Diin baanu aamisanahay oo haddana amraya in Hooyadii iyo Aabbihii la dilo. Waxa halkaa ka soo baxay waa Diin-la’aan, waana Aafo ku soo korodhay Mandaqadda.”

 

Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu baaq u jeediyay Culimada Somaliland oo uu u soo jeediyay in ay Bulshada ka wacyigeliyaan aragtida Diinta oo uu sheegay in dadka qaarkood si qaldan u adeegsadaan. “Culimada Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay ka hadlaan fidmooyika Diineed ee Koonfurta Soomaaliya ka soo if-baxay oo laga yaabo in qaar halkan kala socdaan.” Ayuu yiri M/weyne Rayaale.

 

Sido kale M/weyne Rayaale waxa uu ka hadlay Doorashooyinka soo socda ee Somaliland, waxaanu baaq u jeediyay Xisbiyada Mucaaradka ah. “Ninkii ba’naayoow lagu fasax, waxaan Xisbiyada Mucaaradka ah leeyahay Doorashada u diyaar garooba 27-ka bisha September. Looma baahna muran iyo buuq.” Ayuu yiri M/weyne Rayaale. Sidoo kalena waxa Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay in ay hoggaaminta hawlaha Doorashooyinka la wareegaan, mar uu arrintaa ka hadlayna wuxuu yiri, “Komishankana waxaan leeyahay waa waqtigiinii ee hoggaanka qabta oo u diyaar-garooba hawl.”

 

Mr. Rayaale waxa uu Caalamka u jeediyay in ay bixiyaan Kharashka Doorashooyinka qaybta ay bixinayeen, isaga oo Xukuumaddiisa iyo Wasiirkiisa Maaliyadda ku amray inay sidoo kale iyana bixiyaan qaybtii Dawladdu ka bixinaysay Kharashka Doorashada. “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa in ay waqtiga ugu macquulsan ku bixiyaan Kharashkii Doorashada qaybtii ay bixinayeen. Sidoo kalena waxaan Xukuumadda iyo Wasiirka Maaliyadda amrayaa inay sida ugu dhaqsaha badan ku bixiyaan kharashka Doorashooyinka qaybta ay Dawladdu bixinaysay.” Ayuu yiri M/weyne Rayaale.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu aad ugu dheeraaday waxqabadkii Xukuumaddiisa oo hadalkiisu u badnaa wixii ka dambeeyay 2002-dii oo ahayd waqtigii uu Maamulka uu madaxda ka noqday. Waxaana Khudbaddiisu u muuqatay mid haba yaraatee ay ka madhan tahay waxqabadkii yo doorkii ay Maamulladii ka horreeyay ku lahaayeen geeddi-socodkii guud ee horumarka Somaliland.

 

Intii uu M/weyne Rayaale ku gudo-jiray khudbaddiisa waxa isku dhacay Shacabka iyo Booliskii Amniga ilaalinayay, taas oo keentay in qaar ka mid ahi Shacabku Dhagax tuuraan qaar ka mid ah Booliska, taas oo uu M/weyne Rayaale ka hadlay. “Booliskoow Shacabka daaya, dhalinyaradaayna idinkuna degganaada oo Warka dhegaysta.” Ayuu yiri Rayaale.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Godane is a big problem for the secessionsits.

 

So this is
our roblem lads and Somali's are equal to death and destruction.

Another way of seeking Somaliland's help ,,,, :D

 

 

Not now sxb .. maybe later.

Share this post


Link to post
Share on other sites

JB: Adeer help yourself, the man bombed Hragaysa and killed 22 civilians and some security officers.

 

Thus he is a problem for you and as the Amir of Al Shabaab the clan sentiment will be with him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is hiding in Somalia and sending some of his gangs to carry out operations to kill people.

 

Just like Osama hiding in Afghanistan and sending his gangs to carry out the 9/11 attack.

 

 

NOt a big deal ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this