Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

The burco sheiks

Recommended Posts

Maxkamadaha Muqdisho Ha ******** Inaanu Culimo

Iyo Shicibba Ka Midaysannahay Jiritaankayaga Somalilandâ€

Badhasaabka Togdheer – Shir-Jaraa’id

 

Burco, October 17, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere ayaa shalay xafiiskiisa shir-jaraa’id oo uu ku qabtay waxa uu kaga hadlay kormeero uu ku soo maray degmooyinka gobolka Togdheer, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo uu ugu kuur-galayay xaaladda nabadgelyada guud iyo xaaladda nololeedba.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, Badhasaabku wuxuu shirkiisaa jaraa’id ku sheegay inay roobabkii gu’gu si wanaagsan uga da’een dhammaan degmooyinka gobolka, isla markaana nabadgelyadu ay fiican tahay, wuxuuna intaa ku daray in sababta uu u kormeeray degmooyinka gobolku uu ka kooban yahay ay ahayd si xog-ogaal uu ugu noqdo xaaladahaas, isagoo sheegay inuu dadka degaamadaas kala hadllay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso buu yidhi: “cajalada been-abuurka ah ee jidh-dilka la sheegay in lagu sameeyay ninka maxbuuska ah [Maxamed Sh. Ismaaciil],†isagoo intaas ku daray Badhasaabku oo yidhi “Waxaan u sheegay in wax allaala wax ka jiraa aanay jirin ee la doonayay uun in qarannimadeena uun wax lagu yeelo.â€

 

Badhasaabku isagoo ka hadlaya hadalada dhawaanahan ka soo yeedhaya kooxaha Maxkamadaha Muqdisho, waxa uu sheegay inay yidhaahdaan had iyo goor cid baa noo joogta gobolada Somaliland, “balse waxaan leeyahay ha ******** in iyagana cidi noogu dhex jirto, dadkayagana aanu annagu is ognahay culimo iyo shicibba, aananu ka midaysannahay nabadgelyada iyo jiritaankayagaba,†ayuu yidhi Cabdi Xuseen Dheere.

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu dhaliilay hay’adaha miinooyinka ee ka shaqeeya degaamada gobolka Togdheer, waxaanu sheegay in miinooyinku ay halis ku hayaan dadka degaankaas oo aanay hay’aduhu sidii looga baahnaa wax uga qaban, dadka degaanadaasina ay aad uga cowdeen dhibaatada ay miinadu ku hayso.

 

Waxa kale oo uu Badhasaabku sheegay in dadkii dhammaan degaamadaas uu soo maray ay u cadeeyeen inay heegan u yihiin qaranimada iyo jiritaanka dalka Somaliland, cid kasta oo ku soo xad-gudubtana ay il gaar ah ku eegayaan.

 

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka dayriyay xaaladda dadkii ay hore abaaruhu u aafeeyeen, kuwaas oo uu sheegay inay magaalooyinka waaweyn ku soo qulquleen cidina aanay waxba u qaban ee ay u baahan yihiin taakulo.

 

Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere wuxuu hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay in dadka ku dhaqan gobolka Togdheer ay dhammaantood nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland meel uga soo wada jeestaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this