Sign in to follow this  
ansaar17

Shaqalaaha Tigreega oo dhacey lacag canshuur ah!!!!

Recommended Posts

ansaar17   

Wararka

Ciidamo dhacey canshuur

By

Mar 16, 2007 - 6:15:05 PM

 

 

Ciidamo ka tirsan Military-ga Dowlada Federaalka Somalia ee ka howl-ga gobalka Hiiraan ayaa duhurnimadii shaley dhac u geystay lacag canshuur aheyd oo taalay bar Control oo ku taalay Baladweyne.

 

 

 

Ciidamada dhaca geysaneysay ayaa la sheegay inay israsaaseyn xoogan dhex martay ciidamada Minishiibiyada Dowlada Hoose oo ilaalo ka ahaa xaruntaasi lacagta canshuurta taalay.

 

 

 

Ciidamada Military ayaa u suurta gashay inay qaataan dhamaan agabyadii xaruntaasi loogu shaqeynaayay iyo lacag tiro badan oo aan la shaacin cadadkeeda.

 

 

 

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Military-da DF ay weerareen xarunta gobalka Hiiraan halkaasi oo ay ka qaateen lacag gaareysay 18 Milyan oo Shillin Soomaali ah taasoo aheyn canshuur gobalka laga soo kala aruriyay.

 

 

 

Warar hoose oo ay GO heshay ayaa sheegay in markii dowlada KMG ah qabsatay goboladii ay ka baxeen Maxkamadaha Islaamiga aysan jirin wax mushaharaad ah oo la siiyay ciidamada Dowlada, taasina ay keentay dhaca ay ciidamada u geystaan canshuurta shacabka laga sooo ururiyay.

 

 

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Military-ga DF ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta rasaas ay fureen waxaa ku dhintay dad rayid ah.

 

 

 

 

Ciidamadaan ayaa rasaas xoogan ku furay isbaaro ay dhigteen maleeshiyo kasoo jeeda degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe, taasoo sababtay inay dhintaan 3 ruux oo shacab ahaa iyo 2 kamid ah maleeshiyadii isbaarada u taalay.

 

 

 

Maamulka degmada Balcad ayaa eedeyn culus u jeediyeen ciidamada Military-ga Dowlada KMG Somaliafalkaan ay geysteen.

 

 

Cabdi Fatax Axamad,GO

 

 

http://www.garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this