Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo Xooggan oo Lagu Dilay 54 ka Tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Baay iyo Jubada Hoose.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Tardho (Hiiraan), Ugunji (Shabeellaha Hoose), Daynuunaay (Baay), iyo Qumbi (Jubada Hoose), halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgallada lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahayd goobahaasi, kuwaas oo muddooyinkii dambe laga qorsheynayay falal amni darro.

Inta lagu guda jiray howlgallada, waxaa la dilay ugu yaraan 54 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la dhaawacay tiro kale.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo agab ciidan oo ay kooxdaasi isticmaali jirtay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in lagu ciribtiro Al-Shabaab, isla markaana dib loogu soo celiyo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay saameeyeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this