Deeq A. Posted yesterday at 09:20 AM Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu goordhow u safro dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo Madasha Caalamiga ah ee Antalya. Shirka oo lagu qabanayo magaalada Antalya ayaa ah mid sanad kasta ay isugu yimaadaan madaxda dowladaha, diblomaasiyiin iyo khubaro caalami ah, si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah. Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xoojin doono xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, oo ka mid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya dhinacyada horumarinta, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la yeelan kara madax kala duwan oo ka qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah iyo taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites