Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha F-16 oo ka qaybgalay xus ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000155776.jpg

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16 ayaa maanta ka qaybgalay xuska 66-aad ee sanad-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ilaa saddex diyaaradeed oo F-16 ah iyo diyaarado kale oo joog hoose ku duulaya ayaa dhoolatus milatari ka sameynayay hawada magaalada Muqdisho, xilli munaasabadda ka socotay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaybgalay munaasabadda, waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo ka muuqato tayo sare, kuna qalabeysan gaadiid dagaal.

Diyaaradaha dagaalka F-16 waxaa markii ugu horreysay hawada Muqdisho lagu arkay bishii Jannaayo ee sanadkan, waxaana dowladda Federaalka oo ka hadashay sheegtay in dowladda Turkiga ay u keentay Soomaaliya, balse warkaas waxay beenisay maalin kaddib.

Turkiga wuxuu saameyn weyn ku yeelahay magaalada Muqdisho, isaga oo ku leh saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan, sidoo kale wuxuu shidaal qodis ka bilaabay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana waxaa jira warar sheegaya in uu xarun Dayax -gacmeed dhawaan ka hirgalin doono gobolka Shabeellaha Dhexe.

1000155756.jpg 1000155771.jpg 1000155773.jpg 1000155772.jpg 1000155774.jpg 1000155760.jpg 1000155761.jpg 1000155764.jpg 1000155765.jpg 1000155768.jpg 1000155769.jpg 1000155767.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this