Deeq A. Posted Sunday at 08:57 AM Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16 ayaa maanta ka qaybgalay xuska 66-aad ee sanad-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, taas oo ka dhacday magaalada Muqdisho. Ilaa saddex diyaaradeed oo F-16 ah iyo diyaarado kale oo joog hoose ku duulaya ayaa dhoolatus milatari ka sameynayay hawada magaalada Muqdisho, xilli munaasabadda ka socotay xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaybgalay munaasabadda, waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo ka muuqato tayo sare, kuna qalabeysan gaadiid dagaal. Diyaaradaha dagaalka F-16 waxaa markii ugu horreysay hawada Muqdisho lagu arkay bishii Jannaayo ee sanadkan, waxaana dowladda Federaalka oo ka hadashay sheegtay in dowladda Turkiga ay u keentay Soomaaliya, balse warkaas waxay beenisay maalin kaddib. Turkiga wuxuu saameyn weyn ku yeelahay magaalada Muqdisho, isaga oo ku leh saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan, sidoo kale wuxuu shidaal qodis ka bilaabay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana waxaa jira warar sheegaya in uu xarun Dayax -gacmeed dhawaan ka hirgalin doono gobolka Shabeellaha Dhexe. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites