Deeq A. Posted Sunday at 01:37 PM Ciidanka Danab ee hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jamaac Takar iyo ciidanka PSF ee hoggaamiyo Gen. Maxamuud Diyaano oo hadda hoostaga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xuska 66-aad ee sanad-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay ciidanka Danab oo fadhigoodu yahay xerada Ligle ee Garowe ayaa lagu yiri “Waxay Ciidamada Kumaandoos Soomaaliyeed ee Danab Puntland la wadaagayaan umada Soomaaliyeed hambalyada maalinta qiimaha badan ee sanad guurada aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo 66 sano jirsaday”. “Sanadguuradaas oo la xuso 12 ka April sanad walba waxaan alle uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo dhamaan inta usoo shahiiday dalkeena sidoo kalana caafiyo inta dhaawacyada u jooga” ayay ku dareen. Sidoo kale Ciidanka PSF oo fadhigoodu yahay Boosaaso ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa maalinta qiimaha badan ee sanad guurada aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hada 66 sano jirsaday”. “Waxaan Alle uga baryeynaa naxariistiisa Janno in uu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidamada kale Duwan ee Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya diintooda, dadkooda iyo dalkooda” ayay raaciyeen. Puntland waxay dhawaan sheegtay in ay deegaannadeeda ku sugan yihiin 1,376 askari oo ka mushaar ka qaata dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ku eedeeysay in loogu talagay carqaladeynta amniga iyo jiritaanka Puntland. Ciidamada Danab iyo PSF waxaa hore iyaga iyo dowladda Puntland dagaallo ugu dhexmareen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, kuwaas oo sababay khaasare badan oo isugu jira naf, maal iyo barakac. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites