Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo dil iyo dhac ka gaystay Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
1000148755.jpg

Kooxda Daacish ayaa hooyo iyo gabadh ay dhashay oo reer miyi ah ku dilay meel u dhow deegaanka Daraymadow ee togga Jaceel oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dilka labada qof wuxuu dhacay habeenkii axadda saqdii dhexe, waxaana hooyada oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Dugeeye ay kooxdan hore u dileen seygeedii sanadkii 2025.

Sidoo kale kooxda argagixisada Daacish waxay reerkaas iyo reer kale oo deris la ah ka kaxaysteen xoolo gaaraya afar tiro oo neef (400 oo neef).

Dowladda Puntland ayaan weli ka hadlin dilka iyo dhaca ay kooxda Daacish saacadihii la soo dhaafay ka gaysatay buuraha Calmiskaad.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa la soo sheegayay dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro ay sameeyeen kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this