Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamse oo u hanjabay Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
1000156172-1440x1080.jpg

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa faray ciidamada dowladda in ay taallaabo ka qaadaan, cidda diidan aragtida doorashada ee dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad Muqdisho ka dhacday oo lagu xusay sanad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu jiro madaxweyne dowlad goboleed oo doonaya in uu goosto haddii aan la aadin doorasho dadban.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay taasi tahay mid aan la aqbali karin oo fal-dambiyeed ah, islamarkaana ciidamada laga rabo in ay diyaargaboobaan oo arrintaas ka jawaabaan.

“Nin deegaan Soomaaliyeed xuma in uu noogu hanjabo haddaan doorasho dadban la aadin waan goosanayaa… ciidanow diyaargaroooba idinkaa waajibkiinu yahay in aad ilaalisaan midnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Hadalka Xamse wuxuu yimid, xilli madaxweyne Deni uu heegan gelisay ciidamada Puntland, islamarkaana faray saraakiisha in ay saacad kasta u diyaar-garoobaan dagaallo uu sheegay in lagu difaacayo dadka reer Puntland.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan awood ciidan Baydhabo kaga saartay madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, sidoo kalena hadda dhaqdhaqaaq ciidan ka wado dowlad goboleedyada kale.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this