Deeq A. Posted yesterday at 11:51 AM Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in ay difaac ka galayaan dowladda Federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiir Qarjab oo maanta hadal ka jeediyay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal waxa uu tilmaamay in ay dowladda Federaalka ka sugayeen waxtar, hase yeeshee waxyeelo u gaysatay. Wuxuu xusay in aysan dowladda Federaalka ka qaybqaadan dagaalka Daacish iyo abaaraha Puntland, balse taas baddelkeeda ay ciidamo ka soo horjeeda maamulka ku beertay deegaannada Puntland. Wasiir Qarjab wuxuu shacabka ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo jiritaanka Puntland oo uu sheegay in dowladda Federaalka kow ka tahay. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites