Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo qabatay qaar ka mid ah xoolo ay dhacday Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
1000156255.jpg

Ciidamada Puntland ee ku sugan buuraha Calmiskaad ayaa soo qabtay afar rati oo ka mid ahaa xoolo ay habeen hore kooxda Daacish ka dhaceen dad reer miyi ah.

Ciidamada ayaa sheegay in ay afarta rati xalay ka soo qabteen togga Moqor, islamarkaana ay soo qaban doonaan ari dhowr tiro ah oo weli ku jira gacanta Daacish.

Kooxda Daacish ayaa habeen hore hooyo iyo gabadh ay dhashay oo reer miyi ah ku dilay meel u dhow deegaanka Daraymadow ee togga Jaceel oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Sidoo kale kooxda argagixisada Daacish waxay reerkaas iyo reer kale oo deris la ah ka kaxaysteen xoolo gaaraya afar tiro oo neef (400 oo neef) iyo dhowr rati.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa la soo sheegayay dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro ay sameeyeen kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this