Deeq A. Posted 15 hours ago Qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa laga mamnuucay sandaqadaha iyo buushashka. Amarkan waxaa la sheegay in uu ka yimid madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo u jeedadiisa lagu tilmaamay hor u qaadida bilicda magaalooyinkaas. Dowladda hoose ee degmada Garowe ayaa laamiga halbowlaha ah ee dhexmara magaalada ka bilowday duminta sandaqadaha iyo buushashka ku yaalla laamiga dhinacyadiiisa, taas oo saameysay dadkii ku ganacsan jiray goobahaas. Magaalada Boosaaso waxaa ka mid ah waddooyinka laga mamnuucay sandaqadaha iyo buushashka waddada halbowlaha ah iyo waddada aada garoonka diyaaradaha. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites