Deeq A. Posted 14 hours ago Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu dalku galay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada. Farmaajo waxa uu halista ku tilmaamay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka, iyada oo maanta uu dhammaaday muddo-xileedkii rasmiga ahaa ee Baarlamaanka Federaalka. Madaxweyne Farmaajo waxa uu soo jeediyay in loo baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan. War-saxaafadeed uu soo saaray Faramaajo ayuu ku yiri “Soomaaliya waxa ay gashay marxalad halis ah oo taabanaysa amniga, wadajirka iyo dowladnimada, taas oo ay aasaas u tahay hubanti la’aanta arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka”. “Muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ayaa si rasmi ah u dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Abriil 2026… Sidoo kale, waxaa ka harsan muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha, 31 maalmood oo keliya. Marxaladdan xasaasiga ah waxay u baahan tahay in si deg-deg ah looga shaqeeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseeda doorasho hufan” ayuu raaciyay. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites