Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro: Waxaan diyaar u nahay nabad dhexmarta Somaliland iyo Waqooyi Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
1000156506.jpg

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta hadal u jeediyay labada gole ee baarlamaanka maamulkaas ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin nabad dhexmarta iyaga iyo maamulka Waqooyi Bari.

Sidoo kale Cirro waxa uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin isdhaafsi maxaabiista ku kula xiran Laascaanood & Hargeysa, iyo furista isku socod ganacsiga & dadka labada dhinac.

“Ergedii Garaad Kulmiye waxaanu u sheegnay in Somaliland ay diyaar u tahay nabad, isdhaafsiga maxaabiista, iyo in la furo isu socodka ganacsiga iyo dadka” ayuu yiri Cirro.

Balse madaxweynaha Somaliland wuxuu xusay in qodobadaas ay ka socon la’ yihiin dhanka maamulka Waqooyi Bari ee hoggaamiyo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this