Sign in to follow this  
Deeq A.

Xal maa loo la’yahay mise xil ma la iska saarin? Galmudug iyo dhibaatada daba-dheeraatay ee dagaal-beeleedyada.

Recommended Posts

Deeq A.   

​Xilli shacabka ku nool waqooyiga gobolka Galgaduud ay filayeen in maamulka Galmudug uu u keeno gurmad abaar iyo mashaariic horumarineed, waxay maanta hor fadhiyaan godad qabuuro ah oo loo qoday dhalinyaradii deegaanka.

Dagaalkii ka qarxay deegaanka Baraaga Saddex, oo qiyaastii 15KM u jira degmada Cabudwaaq, ma ahan oo kaliya iska horimaad dhex maray laba beelood, balse waa natiijada ka dhalatay siyaasadda gurracan oo dhiigga shacabka u isticmaalaysa gaashaan lagu difaaco kuraasta.


​Waxaa soo baxaya xog dhab ah oo muujinaysa in colaaddan aysan ahayn mid kedis ah. Taariikhda maamulka Galmudug waxaa ku qoran bog madow oo sheegaya: “Mar kasta oo uu kaco guux siyaasadeed ama la dareemo in doorashadu soo dhowdahay, waxaa gobolka ka qarxa dagaal beeleed.”

Tani ma ahan wax iska dhacay, ee waa istaraatiijiyad ay madaxtooyada Galmudug u isticmaasho inay ku mashquuliso beelaha, kuna curyaamiso tartanka siyaasadeed.

​Maamulka Galmudug ee maanta jira ma ahan mid ku guuldareystay nabadaynta, balse waa mid ku lug leh hurinta colaadda.

Markii dhiiggu daadanayay, halkii ay ciidanka maamulku kala dhex geli lahaayeen maleeshiyaadka, waxay doorteen inay goobta ka fogaadaan. Aamusnaanta maamulku ma ahan tabar-darro, ee waa oggolaansho iyo dhiirigelin si dhibaatadu u sii baahdo, loona helo marmarsiinyo lagu hakiyo isbeddel kasta oo hogaamineed.

​Maamul Ku Macaasha Masiibada

​Waa nasiib darro in hoggaan loo igmaday badbaadada shacabka uu noqdo midka hubka iyo dhiirigelinta siinaya dhinacyada is gowracaya. Shaki kuma jiro in xubno sare oo maamulka ka tirsan ay dabka ka dambeeyaan, iyagoo aaminsan in inta dadka gobolku is dilayaan ay kuraastoodu sii ahaanayso mid ammaan ah.

​Sidee ku dhici kartaa in maamul sheeganaya dowladnimo uu indhaha ka laabto in ka badan 20 ruux oo lagu dilay meel wax yar u jirta xarumahooda?
Jawaabtu waa fududahay: Dhiigga daadanaya waa midka lagu qaboojiyo kursiga madaxtooyada.

​Maanta ma ahan maalin lagu aamuso dambiyada uu maamulku ka galayo shacabkiisa. Waa inaan runta isu sheegnaa: Colaadda Galmudug ma ahan mid geel ama daaqsin kaliya; waa mashiin siyaasadeed oo lagu shido dhiigga dhalinyarada si loogu karsado madaxtinimada.

​Haddii maamulka Galmudug uusan hadda qaadin tallaabo dhab ah oo uu ku joojinayo dagaalka Baraaga Saddex, taariikhda waxay u qori doontaa inay ahaayeen dambiileyaal dagaal oo gubay gobolkooda si ay u xukumaan dambaska.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this