Sign in to follow this  
Deeq A.

​Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Jibriil Cabdirashiid u magacaabay Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

​Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u soo saaray wareegto lagu magacaabay hoggaanka kumeel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Magacaabistan ayaa loo xushay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee dalka, Mudane Jibriil Cabdirashiid, kaas oo si kumeel-gaar ah u gudan doona waajibaadka hoggaamineed ee degaankaas ka dib isbeddelladii ka dhacay magaalada Baydhabo.

​Go’aankan uu qaatay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa soo afjaraya hubanti la’aantii dhanka hoggaanka ahayd ee ka dhalatay is-casilaaddii Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Mudane Jibriil Cabdirashiid ayaa loo xil-saaray inuu hoggaamiyo maamulka inta ay dowladda Federaalku ka soo diyaarinayso doorasho toos ah oo ay shacabku ku dooranayaan hoggaankooda, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda dhexe ee ku aaddan dimuqraadiyeynta maamul goboleedyada.

​Magacaabistan ayaa timid xilli magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Madoobe, iyo wasiirro muhiim ah, kuwaas oo u gogol-xaarayay hannaankan cusub.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan gaaro magaalada si uu u xoojiyo maamulka kumeel-gaarka ah iyo wada-tashiyada loola leeyahay siyaasiyiinta iyo waxgaradka degaanka ee ku aaddan dhismaha nidaamka cusub.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this