Sign in to follow this  
Deeq A.

​Wasaaradda Dekaddaha XFS oo Diiwaangelisay Markabkii Ugu Horreeyay ee qaata Calanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

​Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ayaa ku dhowaaqday guul weyn oo laga gaaray dhanka maamulka badda ka dib markii si rasmi ah loo diiwaangeliyey markabka lagu magacaabo Guney oo sumaddiisu tahay IMO No. 8230417.

Tallaabadan ayaa ah markii ugu horreysay ee taariikhda qaranka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii in la sameeyo diiwaangelin noocan oo kale ah, taas oo u oggolaanaysa maraakiibtu inay si rasmi ah u qaataan calanka Soomaaliya.

​Dadaalkan ayaa yimid ka dib markii wasaaraddu ay ku guulaysatay hirgelinta dhammaan shuruucda iyo nidaamyada caalamiga ah ee lagama maarmaanka u ah diiwaangelinta iyo calansiinta maraakiibta.

Waxay sidoo kale muujinaysaa go’aanka adag ee dawladda ee ku aaddan casriyeynta arrimaha badda iyo sidii dalku u yeelan lahaa nidaam maamul oo dhammaystiran.

​Diiwaangelinta markabka Guney waxay albaabada u furaysaa fursado cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo wasaaraddu ay soo dhoweynayso ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta si ay uga faa’iidaystaan adeeggan.

Markab kasta oo badda ku jira waa inuu leeyahay waddan uu u diiwaangashan yahay. Markabka Guney wuxuu hadda wataa aqoonsiga Soomaaliya, taas oo macnaheedu yahay in dukumiintiyada iyo shahaadooyinka uu wato ay bixisay Dawladda Soomaaliya. Marka uu galo dekad kasta oo adduunka ah, waxaa loo aqoonsanayaa markab Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this