Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Gobolka Baay oo martigelinaysa Wafuud ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

​Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa haatan martigelinaysa socdaallo aan kala joogsi lahayn oo ay ku imaanayaan madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Imaatinka wufuuddan heerka sare ah ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo magaaladu ay marayso weji kala guur ah oo loogu gogol-xaarayo nidaam maamul oo cusub.

​Wafdiga heerka sare ah ee maanta soo gaaray magaalada waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanno, iyo hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee loo magacaabay Koonfur Galbeed.

Imaatinka madaxdan ayaa si cad u muujinaya in dowladda federaalku ay si buuxda ula wareegtay maamulka iyo sugidda amniga magaalada, iyadoo doonaysa inay si dhow u kormeerto hirgelinta qorshaha xasilinta ee dalka.

Waxaa ​Barbar socda socdaalkan waa tallaabooyin degdeg ah oo dhanka amniga ah, iyadoo si rasmi ah loo magacaabay loona dhaariyay taliyeyaal cusub oo hoggaamin doona booliska gobolka Baay iyo kan magaalada Baydhabo.

Taliyeyaashan cusub ayaa durba si buuxda ula wareegay xilkooda, iyagoo bilaabay inay kormeeraan xarumaha amniga iyo inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo wax kasta oo carqaladeyn kara nabadda iyo xasilloonida magaalada inta lagu guda jiro xilligan kala guurka ah.

​Dowladda Soomaaliya ayaa muujinaysay rabitaan dhab ah oo ay ku doonayso inay ku soo celiso xasilloonida Baydhabo, iyadoo la adeegsanayo isku-duwidda hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this