Deeq A. Posted 19 hours ago Geerida waa loo wada madlan yahay, balse midda ku timid barasare Cali Jimcaale Axmed (1954 – 2026) waxa ay iiga dhigantahay geerida qof saaxiib ah oo aad iigu dhowaa. Barafasoor Cali Jimcaale Axmed waxa aan isbarannay sanadkii 2018, markaas oo aan iimayl kula xiriiray aniga oo ah arday talo raadinaya. Xilligaas, sanad ama labo sano ka hor, ayaan waxa aan magaciisa ku bartay warqaddiisa buugga noqotay ee “Day Break is Near, Won’t You Become Sour?” iyo gorfayn (Suturing Somali Wounds) uu ka qoray sheekafaneedda Guban ee uu qoray Cabdiladiif Cige. Waxa uu ahaa qof aan ku bartay ixtiraam iyo dad jacayl. Sida jawaabtiisa koowaad ka muuqatay, waa uu ku farxay in uu arday Soomaaliya jooga la soo xiriiro – soo dhawayntiisii laabfurnaanta lahayd ayaa taa iiga maragkacday. Soo dhowayntiisa iyo dhimrin ay waalidnimo ku larneed darteed ayaan ugu dhiirraday in aan in muddo ahba ka talo qaato, wax ka barto – ilaa uu ii noqday macallin fog. Macallin talooyin iga siiyay; hal-abuurka, curinta iyo akhriska kiisa mudan – si bilaash ah. Waxyaabaha aan illoobayn ee aan aawadiis ka koray waxaa ka mid ah; joojinta akhrinta suugaanta waqtiga la isku dhaafiyo (escapist literature), oo aan beddelka laasimo suugaanta teeda koran. Si aan suugaanta sarraysa u dhadhansado waxa uu igu hagay buugag ay tahay in aan akhriyo. Sidoo kale, waxa uu i baray qoraaga iigu saamaynta badan suugaanleyda: John Steinbeck, oo aan hore u aqoon. Manhaj akhris oo aan u bogay ayuu ila wadaagay. Waxaa intaas dheer in uu si joogto ah iigu dhiirrigelin jiray in aan wax curiyo. Aad buu u jeclaa in uu gacanqabto dhallinyarada rabta in ay wax qoraan. Waxa aan xusuustaa sida uu dhawr marba iigu boorriyay in aan wax qoro iyo in aan soo turjumo. Wdliba waxa uu ii ballanqaaday in uu isaga daabici doono. Illaa heerkaas ayuu garab-istaaggiisu gaarsanaa. Laakiin, cagajiidkayga iyo hawlo kale aawadood fursadaas kama aan faa’iidaysan. Marka laga yimaado dunwanaaggiisa iyo wanaagga uu i taray, barafasoor Cali Jimcaale waxa uu ahaa indheergarad dhab ah: indheergarad wax qora. Kaliya ma ahayn akadeemig aragtiyo curiya oo wax gorfeeya, waxaa uu sidoo kale ahaa suugaanyahan sheekada iyo siiba gabayga curiya. Waxsoosaarkiisa suugaaneed iyo kan akadeemig haddii la isbarbardhigo waa kuwo isgaargaara. Laakiin waxaa Soomaalida dhaxdeeda caan ka ah buugaggiisa akadeemiga ah; The Invention of Somalia (iskudubbarid) iyo Daybreak is Near: Literature, Clans, and the Nation-state in Somalia. Mar haddii aad looga sheekeeyay waxsoosaarkiisa caanka ah, waxa aan rabaa in aan xuso qoraalladiisa yaryar, gaar ahaan sheekooyinkiisa iyo gabayada uu ku curiyay af Ingiriisiga. Qoraalladani waa kuwa muujinaya doorroonida iyo soocnimada hal-abuurkiisa. Gabayada Cali Jimcaale Axmed waxaa loo turjumay afaf badan. Wuxuu soo saaray illaa saddex diiwaan; Fear is a Cow (2002), Diaspora Blues (2005) iyo When Donkeys Give Birth to Calves: Totems, Wars, Horizons, Diasporas: Poems (2012). Jirtoo, midkoodna aan heli karin hadda, waxaan xusayaa saddex gabay oo ka mid ah kuwiisii ugu horreeyay uu ku daabacay joornaalkii UFAHAMU ee uu tifaftiraha ka ahaa. Saddexda gabay waxa ay xaaladda Afrika ka eegayaan saddex dhinac. Midka ugu horreeya “Why is We Not Blest?” Waa gabay gumaysidiid daaran. Waxa uu si sarbeeb ah u naqdinayaa mashruuca waxa looga yeero “ilbixinta” ee gumaystuhu ku harawsado cidda isaga ka soo harta. Wuxuu dirayaa farriin ah: dhegdheer ma dhiman, dhulna nabad ma ahan. Cali, sida lagu yaqaan indheergaradka dhabta ah, isagama turin inuu isnaqdiyo oo uu indheergatada la midka ah ku dhaliilo kaalintooda ay gabeen. Gabaygiisa “From The Ashes of a Pigeon” ayuu ku sawirayaa indheergaradka raba iyaga oo carri fog istareexaya in ay Afrika “hawsha wada” ku hagaajiyaan. Waxa uu sawir qarracan leh ka bixanayaa Afrika, isaga oo barbardhigaya kan indheergaratadeeda qulubsan ee sharaabka kulul carra-edeg ku fuudaya. Gabayga saddexaad “The Third Season of Rape” wuxuu ku muujinayaa mushkilada Afrika in ay tahay walaalo isdilaya – sac ay labadiisa geesood dooxayaan. Wuxuu bixinayaa hummaag ah in aysan kala adkaan karin, laakiin ay facood iska reebayaan. Intaasna waxaa jaqaya “hoggaanka” oo uu ku sawirayo “gafanayaal”. Waxaan marnaba gabayadiisa ka dhicin sheekoyinkiisa gaagaaban oo laga xusi karaa “A Proclivity for Suing” oo uu mar dambe magaca u beddelay “The Litigant” iyo “Shrinkology”oo ah sheeko astuureed falsafadeed. Midna, dulkaxaadiskan kore gorfeyn ma dhamma. Waa xusid kaliya. Sheekooyinka iyo gabayadu midkoodba waxa uu sidiisa u mudan yahay gorfayn u qalanta. Cali Jimcaale waxa uu ahaa hormuudka gorfeeyayaasha dhifta ah ee caalamiyeeyay suugaanta Soomaalida iyo guud ahaan suugaanta agoonka ah ee geeska Afrika. Waxa uu iskudubariday labo buug oo lafaguraya suugaanta geeska; Silence is Not Golden: A Critical Anthology of Ethiopian Literature iyo midka kale ee la yiraa, The Road Less Travelled: Reflections on the Literatures of the Horn of Africa. Marka kaliya la weeleeyo waxqabadkiisa aan qeybta ka xusay, waxaa hubaal noqonaysa in waayidda barafasoor Cali Jimcaale Axmed loo darsan doono. Waxaa laga tebi doonaa golayaasha daraasaadka Soomaalida iyo kuwa Geeska. Waxaa aad ugu darsan doona suugaanta af Soomaaliga oo uu dhif ku yahay gorfeeye Cali u dhigma. Dhankaygana waan tebi doonaa hogatusaalaynta macallinkaygii fogaa. Ugu danbayn, waxaa aan geerida barafasoor Cali Jimcaale Axmed uga tacsiyaynayaa reerkiisa, bahda daraasaadka Soomaalida iyo ummadda guud ahaan. Alle ha u naxariisto. WQ: Cabdikaafi Cismaan Maxamuud Cilmibaare iyo Bare Jaamacadeed Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites