Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada Golaha Degaanka ee gobolka Banaadir oo maanta la dhaariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

390 xildhibaano gole degaan oo ku soo baxay doorasho qof iyo cod ah oo ay codeeyeen in ka badan 500,00 oo qof, kuna tartamayeen 1,600 murashax oo ka kala socday 20 urur siyaasadeed iyo16 degmo oo ku yaal gobolka Banaadir ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

Sida uu qabo Dastuurka cusub ee dhawaan la ansixiyay, Xildhibaannada Golaha Degaanka waxa ay soo dooranayaan gudoomiyeyaasha degmooyinka oo kaliyah.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa hambalyo iyo dardaaran u jeediyay xubnaha la dhaariyay.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in bishaan ay doorasho ka qabanayaan maamulka Koonfur Galbeed, kadibna ay xigi doonaan maamullada Galmudug iyo Hirshabeele.

Guddoomiyha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa dhaariyay Xildhibaannada Golaha Degaanka ee gobolka Banaadir.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this