Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada tashi qaran oo laga yeeshay arimaha amniga ee gobolada galbeedka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1774960029529.jpg

FB_IMG_1774960033434.jpg

FB_IMG_1774960036340.jpg

FB_IMG_1774960041812.jpg

FB_IMG_1774960046240.jpg

FB_IMG_1774960053787.jpg

FB_IMG_1774960057550.jpg

FB_IMG_1774960060526.jpg

FB_IMG_1774960062828.jpg

FB_IMG_1774960066350.jpg

FB_IMG_1774960068948.jpg

FB_IMG_1774960072113.jpg

FB_IMG_1774960074539.jpg

FB_IMG_1774960078635.jpg

FB_IMG_1774960081432.jpg

FB_IMG_1774960084623.jpg

FB_IMG_1774960088181.jpg

FB_IMG_1774960092588.jpg

FB_IMG_1774960096623.jpg

FB_IMG_1774960100229.jpg

FB_IMG_1774960104308.jpg

FB_IMG_1774960107575.jpg

FB_IMG_1774960110188.jpg

FB_IMG_1774960113101.jpg

FB_IMG_1774960116109.jpg

FB_IMG_1774960118656.jpg

FB_IMG_1774960122111.jpg

FB_IMG_1774960124679.jpg

FB_IMG_1774960127904.jpg

FB_IMG_1774960131219.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Shir Wada-tashi Qaran ah isugu yeedhay Shir-guddoonnada Labada Gole Qaran (Guurtida iyo Wakiillada), Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Guddida Nabadda ee Qaranka, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan Gobollada Awdal iyo Selel.

Shirkan oo ku qabsoomay jawi ay ku dheehan tahay masuuliyad Qaran, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu horrayn Tacsi Qaran u diray Qoysaska iyo Ehelada dadkii muwaadiniinta ahaa ee ku naf waayey colaadda ka aloosan degaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel.

Shirka waxa si qoto dheer loogaga arrinsaday xaaladaha colaadeed ee ka jira Gobollada Awdal iyo Selel, iyada oo mudnaanta koowaad la siiyey sidii loo hirgelin lahaa Gurmad Qaran oo midaysan oo lagu joojinayo colaadda, laguna baajinayo dhiig dambe oo ka dhex daata dadka walaalaha ah ee ku wada nool degaannadaasi.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan Haldoorka Hoggaanka Qaranka ee Shirka ka soo qayb galay in mudnaanta koowaad la siiyo nabadda, wada-hadallka labada dhinac iyo xallinta khilaafaadka si waafaqsan Sharciga iyo Dhaqan-nabadeedka Somaliland, isaga oo caddeeyey in Xukuumadda ay ka go’an tahay ilaalinta nolosha muwaadiniinta iyo xasilloonida guud ee dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid ay ku dheehan tahay isku-duubni Qaran iyo qaadashada go’aanno adag oo lagu xoojinayo dedaallada nabadaynta, waxana la isla qaatay in si wadajir ah loo gurmado, loogana hawl galo daminta colaadda iyo soo celinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐫𝐢𝐢𝐪𝐚𝐲:

1. In si degdeg ah loo joojiyo colaadda loona bedbaadiyo nolosha shacabka,

2. In la galo Gurmad Qaran oo mideysan oo ka kooban dhammaan Hay’adaha ’adaha Dawladda ee Amniga, Hoggaanka Dhaqanka iyo waxgaradka bulshada,

3. In la xoojiyo wada-hadallada iyo xalinta khilaafaadka iyada oo la adeegsanayo sharciga dalka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee xallinta khilaafaadka,

4. In la adkeeyo amniga iyo kala dambaynta Gobollada Awdal iyo Selel, si looga hortago fiditaanka colaadda.

Iyaguna dhankooda, dhammaan masuuliyiinta labada Gole Qaran, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Guddida Nabadda ee uu Madaxweynuhu isugu yeedhay Shirka Wada-tashiga Qaran ayaa si weyn u soo dhaweeyey Gurmadka Qaran ee uu Madaxweynuhu horseedka ka yahay ee lagu joojinayo colaadda ka taagan Gobollada Awdal iyo Selel, iyaga oo sheegay in ay buuxda u taageersan yihiin si kasto oo lagu soo afjarayo colaadda iyo dhiigga muwaadiniinta JSL ee daadanaya.

Shirka Gurmadka Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland la yeeshay Odayaasha Qaranka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka bulshada iyo xal nabadeed oo degdeg ah laga gaadho colaadda ka taagan Awdal iyo Selel, iyaga oo dhinacyadu ay ballan-qaadeen in ay doorkood ka qaadan doonaan hirgelinta nabad waarta oo lagu soo afjarayo colaadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this