Deeq A. Posted 19 hours ago Fadhigii 58-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Fadhigii 58-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen: (๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay haatan jirin wax amni darro ah ama qalalaase ahi, marka laga reebo Colaaddii maalmihii ugu dambeeyey ka dhacday Gobollada Awdal iyo Selel. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xukuumaddu afartii bilood ee ugu dambeeyey ay dedaal badan gelisay sidii loo soo afjari lahaa colaadda u dhaxaysa bulshada walaalaha ah ee ku wada nool degaannadaasi. Wasiirku waxa uu Tacsi u diray Qoysaska iyo Ehelada dadkii ku dhintay colaadda ka aloosan degaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Selel. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumad ahaan ay ka goโan tahay ilaalinta nolosha muwaadiniinta iyo dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida degaanno ka mid ah Awdal iyo Selel. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in mudnaanta koowaad la siinayo sidii loo hirgelin lahaa Gurmad Qaran oo midaysan oo lagu joojinayo colaadda, laguna baajinayo dhiig dambe oo ka dhex daata dadka walaalaha ah ee ku wada nool degaannadaasi. ๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฅ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ ๐ค๐จ๐ซ๐จ๐๐ก๐ค๐ ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ก๐ข๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐๐๐๐: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin faahfaahsan oo la xidhiidha saamaynta uu dunida ku yeeshay dagaalka Bariga Dhexe, kaasi oo sababay hoos u dhaca isu-socodka Ganacsiga Caalamka, korodhka xad-dhaafka ee Caymiska Gaadiidka Badda, taas oo sababtay korodh ku yimid qiimaha Shidaalka iyo Maciishadda Dunida oo dhan. Wasiirku waxa uu sheegay in dal ahaan arrintani ay ina saamaysay, shidaalka iyo maciishaddiina ay kor u kaceen, taasoo sababtay sicir-barar si toos ah u saameeyey nolosha guud ee bulshada, gaar ahaan hoos u dhaca awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta (purchasing power) Wasiirku waxa uu xusay in korodhka kharashaadka gaadiidka iyo soo dejinta alaabtu uu si weyn uga qayb qaatay sicir-bararka ka jira suuqyada dalka, maadaama dhaqaalaha Somaliland uu si weyn ugu xidhan yahay ganacsiga dibadda. Wasiirku waxa uu sheegay in sababaha ugu waaweyn ee korodhkan ay ka mid yihiin isbeddellada ka jira suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan dagaalka Bariga Dhexe, kaas oo sare u qaaday qiimaha shidaalka, isla markaana si silsilad ah u saameeyey qiimaha badeecooyinka aasaasiga ah. Sida oo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Ganacsigu ay qaadday tallaabooyin lagu xakameynayo sicir-bararka, oo ay ka mid yihiin kormeerka joogto ah ee suuqyada, la socodka qiimaha Shidaalka iyo Maciishadaha daruuriga ah, iyo wadahadallada lala yeeshay Ganacsatada dalka, si loo ilaaliyo xasilloonida qiimaha shidaalka iyo badeecadaha. ๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, isaga oo sheegay in guud ahaan adeegyada caafimaadka dalku ay wanaagsan yihiin, xummaddii dalka ka jirtayna ay saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey hoos u dhacday, kaddib ay Wasaaraddu qaaday olole ballaadhan. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay ku hawlan tahay dejinta siyaasado iyo barnaamijyo lagu joogtaynayo adeegyada caafimaadka bulshada ee aasaasiga ah, isla markaana lagu yaraynayo saamaynta taban ee ay innagu yeelan karaan ku tiirsanaanta Barnaamijyada Caafimaad ee laga maal-gelin jiray deeqaha Caalamka, maadaama uu isbeddel weyni ku yimid qaabkii ay Dalalka Deeq-bixiyeyaasha u maal-gelin barnaamijyada Caafimaadka. Wasiirku waxa kale oo uu ka warbixiyey hab-sami-u-socodka hawlaha Barnaamijka Tallaalka Isku-dhafan (Big Catch Up Vaccination), kaasi oo guud ahaanba Gobollada Dalka ka socday intii u dhaxaysay 24-kii ilaa 31-ka March, 2026. Tallaalkan isaga ah Wasiirku waxa uu sheegay in uu yahay mid lagaga hortagayo xanuunada dilaaga ah ee carruurta, waxana loogu talo galay Caruurta aan weli hore u qaadanin wax tallaal iyo kuwa aan dhammaysan tallaalkii u qorshaysnaa. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay hawl gelisay Dhakhaatiir iyo kooxo caafimaad (433X3 Teams) oo samaynayay daaweynta xummadda, xanuunnada guud iyo Barnaamijka Nafaqada Carruurta. ๐) ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐ข๐ฒ๐ข๐ ๐: Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirku waxa uu ka warbixiyey Xaaladda guud ee xoolaha dalka, isaga oo tilmaamay in xooluhu ay weli yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. In kasta oo ay jireen abaaro baahsan oo dalka ka dhacay, haddana waxa uu xusay in nasiib wanaag aanay saamayn muuqata ku yeelan caafimaadka xoolaha, isla markaana xoolaheennu guud ahaan yihiin kuwo caafimaad qaba. Wasiirku waxa uu iftiimiyey faaโiidooyinka ay xooluhu ka helaan dhul-daaqsimeedka iyo seeraha, isaga oo tusaale u soo qaatay deegaanka Aroori, halkaas oo sannadkan ay ka faaโiidaysteen in ka badan laba milyan oo neef, taas oo si weyn uga qayb qaadatay kor u qaadista caafimaadka iyo wax-soo-saarka xoolaha. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay furtay Xarun Casri ah oo lagu daaweeyo, laguna sameeyo qalliinnada iyo kabitaanka xoolaha iyo xayawaanka kale ee dhaawacma ama jaba, taas oo kor u qaadaysa adeegyada caafimaadka xoolaha ee dalka. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu xusay in dhoofka xoolaha nool uu si wanaagsan u socdo, isla markaana loo baahan yahay in magaalada Berbera laga hirgeliyo Deked u gaar ah Dhoofka Xoolaha Nool, si loo kordhiyo fursadaha ganacsi loona xoojiyo dhaqaalaha Qaranka. ๐) ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐๐ค๐ ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐๐: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa gunaanadkii Shirka Golaha Wasiirrada ka jeediyey hadal mug leh oo uu kaga hadlay muhiimadda ay amniga iyo xasilloonidu u leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Qaranka JSL. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in ay Xukuumadda si buuxda uga goโan tahay in colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Selel lagu soo af-jaro wada-hadal, is-afgarad iyo nabad dhex marta bulshada walaalaha ah, isaga oo xusay in ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniintu ay tahay waajib Dastuuri ah oo aan laga leexan karin. Madaxweynuhu waxa uu xusay in Xukuumaddu ay horseed ka tahay Gurmad Qaran oo lagu soo afjarayo colaadda. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si guud u dulmaray saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay dalka, gaar ahaan dhinacyada korodhka Maciishadda iyo Shidaalka taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha bulshada, isaga oo xusay in Xukuumadda, Ganacsatada iyo Shacabkaba looga baahan yahay wadajir iyo iskaashi si looga gudbo xaaladdan adag. ย Qaran News Share this post Link to post Share on other sites