Sign in to follow this  
Deeq A.

6 qodob oo jebiyay Lafta-gareen, horseedayna in DF si fudud ku qabsato Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Lafta-gareen-1-scaled.webp?

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay si buuxda ula wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada dowladda oo markaas ka soo dhaqaaqay dhinaca Daynuunaay ayaa howlgal militari ku galay magaalada, iyaga oo qabsaday saldhigyo iyo xarumo muhiim ah, mana jirin difaac culus oo lagala hortagay markii ay gudaha u galeen Baydhabo.

Haddaba, su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo ayaa ah sababta keentay in si fudud looga adkaado madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo muddo toddoba sano ah xukumayay maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana lahaa ciidan iyo maamul dhisan.

Caasimada Online oo si qoto dheer u daristay arrintan ayaa idiin soo gudbineysa 6 qodob oo door weyn ka qaatay isbeddelka degdegga ah ee ka dhacay Baydhabo.

Kala qeybsanaan bulsho

Kala qeybsanaan xooggan oo muddooyinkii dambe ka dhex jirtay shacabka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa si weyn u wiiqday awooddii siyaasadeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu eedeeyay in uusan ku guuleysan mideynta bulshada iyo siyaasiyiinta, taas oo keentay in taageeradii uu haystay ay si weyn u yaraato.

Shalay, markii ay ciidamada dowladda gudaha u galeen Baydhabo, waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay shacab badan, taas oo muujineysa in isbeddel siyaasadeed ay qayb ka mid ah bulshada doonayeen. Dadka qaar ayaa caleemo qoyan ku soo dhaweeyay ciidamada, halka kuwo kalena ay muujinayeen taageero siyaasadeed oo cad.

Awoodda mucaaradka ee gudaha deegaanka

Mid ka mid ah arrimaha soo dedejiyay in laga adkaado hoggaanka Lafta-gareen ayaa ahaa in dagaalka ay qayb ka ahaayeen ciidamo maleeshiyaad ah oo taageersan siyaasiyiinta la safan Dowladda Federaalka, kuwaas oo si wanaagsan u yaqaannay deegaanka iyo gudaha magaalada.

Taageerada ciidamadan ayaa sahashay in ciidamada dowladda ay si degdeg ah ugu fidaan magaalada.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay hore ugu sugnaayeen deegaanno badan oo ku dhow Baydhabo, isla markaana ay door weyn ka qaateen jebinta difaacyadii yaraa ee yaallay waddooyinka soo gala magaalada. Tani waxay sahashay in ciidamada dowladda ay si fudud ku gaaraan bartamaha magaalada.

Qorshe la’aan difaac

Madaxweyne Lafta-gareen intii uu xukunka hayay ma uusan sameysan difaac ka fog magaalada Baydhabo, taas oo ah xeelad militari oo muhiim ah. Ciidamada dowladda ayaa maalin ka hor joogay Daynuunaay oo qiyaastii 30 KM u jirta Baydhabo, mana jirin difaac culus oo ka hor yimid intii ay ku sii jeedeen magaalada.

Falanqeeyayaal militari oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in haddii difaac adag laga sameyn lahaa deegaannada u dhexeeya Daynuunaay iyo Baydhabo, ay adkaan lahayd in ciidamada dowladda ay si degdeg ah ku gaaraan magaalada.

Tani waxay muujineysaa in maamulka Lafta-gareen uu ku guul-darreystay qorshe difaac oo istiraatiiji ah.

Taageerada cirka

Howlgalka dhulka ee ciidamada ayaa waxaa ku lamaanaa mid cirka ah, iyadoo la rumeysan yahay in Turkiga uu taageero militari siiyay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sii jeeday Baydhabo.

Intii uu socday howlgalka, diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka geystay goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab, taas oo sahashay in ciidamada ay si nabad ah ku dhaafaan deegaannadaas.

Tan ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee Turkiga si toos ah uga qayb qaato dagaal gudaha ah oo ka dhacaya magaalo ka tirsan Soomaaliya, taas oo muujineysa isbeddel cusub oo ku yimid siyaasadda arrimaha Soomaaliya.

Mowqifka Itoobiya ee xiisadda

Doorka Itoobiya ayaa kaalin weyn ka qaatay wixii shalay ka dhacay Baydhabo, maadaama ciidamo ka tirsan ay ku sugan yihiin magaalada. Itoobiya oo hore loogu tirin jiray dal si dhow ula shaqeeya maamulka Lafta-gareen ayaa markan muujisay dhexdhexaadnimo, iyada oo aan si toos ah uga qayb qaadan dagaalka.

Dhexdhexaadnimada Itoobiya ayaa la sheegay in ay dhabar jab weyn ku noqotay Lafta-gareen, maadaama uu hore ugu tiirsanaa taageerada ciidanka Itoobiya ee ku sugan Koonfur Galbeed.

Markii ay Itoobiya ka gaabsatay in ay dhinac la safato, waxaa si weyn u daciifay awooddii militari ee Lafta-gareen.

Muranka muddo-kororsi

Muranka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-kororsi iyo doorasho la’aan lagu eedeeyay maamulka Lafta-gareen ayaa ka mid ah arrimaha soo dedejiyay guul-darrada hoggaankii maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ayaa muddooyinkii dambe ku eedeynayay Cabdicasiis Lafta-gareen inuu diiday in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Arrintan ayaa keentay cadaadis siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, taas oo ugu dambeyn sababtay in siyaasiyiin badan iyo xildhibaanno ay ka hor yimaadaan maamulka Lafta-gareen, isla markaana taageeraan isbeddelka ka dhacay Baydhabo.

Isku soo wada duubo, isku darka kala qeybsanaanta siyaasadeed, taageerada maleeshiyaad deegaanka, istiraatiijiyad militari oo liidata, iyo doorarka dalal shisheeye ayaa la rumeysan yahay in ay sabab u noqdeen in si degdeg ah looga adkaado maamulka Lafta-gareen.

Si kastaba, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada xoogga dalka, iyadoo halkaasi ay gaari doonaan wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo guda galo dhismaha maamulka cusub.

The post 6 qodob oo jebiyay Lafta-gareen, horseedayna in DF si fudud ku qabsato Baydhaba appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this