Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhaba iyo wafdi sare oo ku wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   
Baydhabo.webp?fit=700%2C525&ssl=1

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ayaa maanta degan kadib markii shalay ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib howlgal milatari oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helayay kuwa mucaaradka ee isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa awood milatari kula wareegay gacan ku haynta magaalada Baydhabo, taas oo keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo toddoba sano kadib ku baxay qaabkii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay ayaa ka hor intii uusan u ambabixin dalka Kenya waxa uu Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen u magacabaay inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in saraakiisha hay’adaha ammaanka ay haatan wadaan dadaallo lagu adkeynayo amniga, iyadoo kulan ay maanta yeesheen saraakiisha ammaanka, masuuliyiin heer federaal ah iyo maamulka gobolka diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Kulankaas ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo isku dayda inay fowdo iyo qalalaase ka abuurto Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhabo, si loo xaqiijiyo amniga, loona sugo kala dambeynta, xilli la filayo in isbeddel siyaasadeed oo ballaaran uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Ciidanka Koofiya Gaduudka ee ilaaliya madaxda sare ee dalka ayaa gaaray Baydhabo, kuwaas oo sugaya ammaanka wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan magaaladaas.

Wafdigaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa la filayaa inay gaaraan Baydhabo, si ay uga qeyb qaataan shirar la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, oo deegaan-doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ku wajahan Baydhabo, si ay uga arrinsadaan marxaladda kala guurka ah ee maamulka.

The post Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhaba iyo wafdi sare oo ku wajahan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this