Deeq A. Posted 23 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo maamul cusub loogu magacabaa gobolka Shabeellada Hoose. Wareegtada wasaaradda ayaa lagu sheegay in Cabdifitaax Sayid Axmed Cabdi loo magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellada Hoose, isaga oo xilkaas u qaban doona si ku-meel-gaar ah, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in magacaabistan ay timid kadib markii la qiimeeyay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee gobolka, isla markaana la arkay baahida loo qabo in la helo hoggaan maamul oo xoojiya maamulka iyo amniga gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale, wareegtada wasaaradda ayaa lagu xusay in magacaabistan lagu saleeyay qodobka 43-aad ee sharciga gobollada iyo degmooyinka dalka ee Lr. 116, ee soo baxay 06/082013, kaasi oo awood u siinaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay maamul u magacowdo gobollada marka loo baahdo. “Magacaabistan ayaa timid kadib markii la tixgeliyay baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka gobolka oo ah mid istiraatiiji ah, daris dhowna la ah caasimadda dalka ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Magacaabistan ayaa ku soo aaddeysa xilli saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka. Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa horey maamullo cusub ugu magacowday degmooyinka iyo gobollada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa in guddoomiyaha cusub ee Shabeellaha Hoose uu si degdeg ah ula wareego xilka, uuna guda-galo howsha u igmatay dowladda. The post DF Soomaaliya oo maamul cusub u magacowday gobolka… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites