Deeq A. Posted 16 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dul qaaday ciidamadii ku haysay xabsi guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan (Shub). Go’aanka dowladda ayaa imanaya kadib markii ay ku guuleysatay qorshihii maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana uu is-casilay Cabdicasiis Lafta-gareen oo uu madaxiisa u xirnaa. Taliye Shub, oo sodog u ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa muddo toddobaad ah xabsi guri ugu jiray dowladda. Mudadaas, Shub wuxuu ku sugnaa gudaha gurigiisa, iyadoo loo diiday inuu bannaanka u baxo ama uu la kulmo dad kale. Ciidamada ammaanka ayaa si toos ah ula wareegay mas’uuliyadda ilaalinta guriga, sidoo kale bixinta saadka iyo raashinka, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaq kasta oo la xiriira taliyaha hore. Tallaabadaas ayaa si adag loo cambaareeyay, iyadoo dowladda ka dhago adeygtay ka hadalka arrintaan, illaa ugu dambeyn ay ka dul qaaday ciidanka Taliye Shub kadib markii shalay ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Lafta-gareen ayaa baneeyay kursiga, isagoo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaana Ku-sime Madaxweyne ka ah maamulka Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen. Si kastaba, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa hadda degan, iyadoo dowladda ay guda galeyso maamul u sameynta Koonfur Galbeed, iyadoo qorshuhu yahay in halkaas lagu qabto doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo si weyn uga soo horjeedaaan mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. The post Dowladda oo go’aan cusub ka gaartay arrinta taliye Shub appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites