Deeq A. Posted 15 hours ago Baydhaba (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdigan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaa sidoo kale qayb ka ah xildhibaanno iyo wasiirro ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh iyo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow oo todobo sano kahor laga soo xiray magaaladaasi. Ujeedka wafdigan ayaa ah inay ka qayb-qaataan shirar la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, si looga tashado marxaladda kala guurka ah ee maamulka. Sidoo kale, waxaa la dhisi doonaa maamul KMG ka ah, inta laga gaarayo doorashada, oo horseedi doonto madaxweyne iyo xukuumad cusub. Xaaladda Baydhaba ayaa haatan deggan kadib markii shalay ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal milatari ka fulisay gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Bakool. La wareegista magaaladan ayaan keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas, uuna is casilo maaxweyne Lafta-gareen. Si kastaba, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa toddoba sano kadib ku baxay qaabkii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay waxaana ka hor intii uusan u ambabixin dalka Kenya uu Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen u magacabaay inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha maamulkaas. The post Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhaba appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites