Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo isbeddel ku sameeyay xukuumaddiisa – Juxa iyo wasiiro kale oo la eryay

Recommended Posts

Deeq A.   
557590555_1350089823140023_4193285983854

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta wareegto soo saaray ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay xukuumaddiisa, isaga oo soo magacaabay xubno ka mid ah golihiisa wasiiraddda.

Wareegtada ayaa saameysay wasiiro waa wayn, sida wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab iyo xubno kale oo si weyn u difaaci jiray xukuumadda Deni

Wasiirrada la magacaabay ayaa kala ah:-

1-Cabdirashiid Barkhadle Warsame, wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta 2-Cabdi Cali Xirsi (Qarjab), wasiirka arrimaha gudaha 3-Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, wasiirka wasaaradda caafimaadka 4-Barre Yuusuf Faatax, wasiirka wasaaradda qorsheynta, 5-Cabdifitaax Ugaas Yaasiin wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada, 6-Hodan Saciid Xasan, wasiirka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska 7-Farxaan Cali Xirsi, wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta 8-Saciid Jaamac Qorsheel, wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo daaqa 9-Caydaruus Axmed Faarax, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada 10-Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale, wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda 11-Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi, wasiirka wasaaradda gargaarka 12-Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka 13-Maxamuud Caydiid Dirir, wasiirka wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska.

Sidoo kale wasiir ku xigeenno cusub ayaa la magacaabay, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 15 xubnood, waxayna kala yihiin.

1-Axmed Maxamuud Maxamed (Qaxiye), wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta 2-Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha 3-Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga 4- Axmed Yaasiin Saalax, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda 5-Maxamed Xasan Saciid, wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta 6-Musadaq Maxamed Musadaq, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada 7-Maryan Cismaan Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka 8-Eng. Maxamed Axmed Ismaaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dekedaha 9-Bile Maxamuud Axmed Qabowsade, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta 10- Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi wasiir ku xigeenka wasaaradda kalluumeysiga 11-Xasan Jaamac Ismaaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha 12-Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta 13-Maxamed Saciid Saalax, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka 14-Axmed Saciid Qolombi, wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha 15-Riyaad Axmed Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka 16-Maxamuud Maxamed Daad, wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Dhanka kale, isla wareegtadan waxaa lagu magacaabay wasiiru dowleyaal cusub, xisaabiyaha guud, guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga, agaasimaha guud ee madaxtooyada, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah iyo guddoomiyeyaasha gobollada maamul-goboleedka Puntland.

Hoos ka daawo:-

The post Saciid Deni oo isbeddel ku sameeyay xukuumaddiisa – Juxa iyo wasiiro kale oo la eryay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this