Deeq A. Posted yesterday at 07:30 AM Roobab lagu diirsaday ayaa 24 saac ee la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland. Roobabka ugu badan waxaa laga soo sheegayaa in ay ka da’een deegaanno ka tirsan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Sanaag. Deegaannada ku xeeran magaalada Qardho waxaa ka da’ay roobab xoogan, kuwaas oo daadad ku soo rogay magaalada.Dhanka kale waxaa roobab ka da’een deegaannada howdka ee gobolka Nugaal, kuwaas biyo geliyay tuulooyinka Yoombays, Xamxamaa, Dudumaale, Laqlaajis, Birtadheer iyo deegaano kale. Roobabka ayaa ku soo beegmay xilli abaar iyo biya la’aan daran ka jirtay deegaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites