Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobab ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000150234.jpg

Roobab lagu diirsaday ayaa 24 saac ee la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan Puntland.

Roobabka ugu badan waxaa laga soo sheegayaa in ay ka da’een deegaanno ka tirsan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Sanaag.

Deegaannada ku xeeran magaalada Qardho waxaa ka da’ay roobab xoogan, kuwaas oo daadad ku soo rogay magaalada.

Dhanka kale waxaa roobab ka da’een deegaannada howdka ee gobolka Nugaal, kuwaas biyo geliyay tuulooyinka Yoombays, Xamxamaa, Dudumaale, Laqlaajis, Birtadheer iyo deegaano kale.

Roobabka ayaa ku soo beegmay xilli abaar iyo biya la’aan daran ka jirtay deegaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this