Deeq A. Posted 18 hours ago Ciidamada Booliiska Puntland gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa soo saaray digniin la xiriirta xilli roobaadka gu’ga oo ka bilowday deegaannada Puntland. Booliska Puntland waxa uu shacabka uga digay xilliyada roobabku da’ayaan safarada meelaha khatarta keeni kara ee ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka. Sidoo kale wuxuu u soo jeediyay dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, islamarkaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha. Booliska Puntland ayaa faray dhammaan shacabka in ay raacaan tilmaamaha ciidamada booliska ee ku sugan waddooyinka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites