Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka oo qabsatay qaybo ka mid ah Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000150140.jpg

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale dagaal goos goos ah ayaa ka socda qaybo ka mid ah magaalada iyo hareeraheeda, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka & ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya iyo kuwa maamulka Cabdicasiis Laftagareen.

Xiisadda magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafay taagnayd, islamarkaana lagu guuldareystay in xal loo helo ayaa sababtay barakac shacab.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this