Deeq A. Posted 10 hours ago Cabdicasiis Laftagareen ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib 7 sano oo xilkaas hayay. Hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri “Laga bilaabo maanta oo ay taarikkhdu tahay 30 march 2026 waxaan iska casilay xilka Madaxweynaha DGKS anigoo ah Md Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen”. Cabdicasiis Laftagareen, mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkiisa iyo xildhibaano Federaalka ka tirsanaa oo taageersanaa ayaa diyaarad kaga baxay magaalada Baydhabo, iyaga oo u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Magaalada Baydhabo oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa hadda xaaladeedu dagan tahay. Sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo tagay mas’uuliyiinta ka tirsan dowadda Federaalka, kuwaas oo ka mid ahaa mucaaradka Laftagareen. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites