Sign in to follow this  
Deeq A.

AQOONSIGA SOOMAALILAAN: ISBAHAYSIGA HINDIYA ILAA KUUSH

Recommended Posts

Deeq A.   

Isha Qoraalka: Chanel 12 (Cibri), Alestiklaal (Carabi)

Aqoonsiga Soomaaliland aad buu uga weyn yahay in lagu tilmaamo keliya tallaabo diblomaasiyadeed, oo xoojinaysa joogitaanka Israa’iil ee Geeska Afrika; balse heemaalkiisa guud wuxuu ka dhigan yahay dhammaadka kalkii joogista dayrka gadaashiisa, iyo bilawga inay Israa’iil ku biirto garab udubdhexaad ah, iyo isbahaysiyo qaaradaha ka tallawsan oo lagu joojinayo saddexgeeska Turkiga.

Sida oo kale tallaabadani waxay muujinaysaa istiraatiijiyadda cusub ee Israa’iil ee gobolka qaabaynaysa; taas oo Israa’iil ka dhigaysa wadnaha isbahaysi ka kooban afar geesood oo halbawle ah, oo Afrika iyo Aasiya ah. Isbahaysigaas oo ujeeddadiisa koowaad  tahay joojinta isballaadhinta Turkiga, iyo abuurista halbeeg juqaraafi-siyaasadeed oo cusub.

Dhalashada caqiiddadan istiraatiijiyeed ee cusub waxay ka curatay hawlgalkii 07 Oktoobbar 2023. Waayo duullaankaasi  muu burburinnin oo keliya dareenkii amni ee kumeelgaadhka ahaa (tactic), balse wuxuu ruxay dulucdii siyaasadeed ee Israa’iil ku lammaanayd tobannaankii sanno ee tegay, oo ahayd dulucda Qasriga Kaynta ku Yaalla (The Villa in the Jungle).

Eraybixintaas waxa hindisay madaxweynihii Israa’iil ee xilligaas Iihuud Baaraak, kadibna wuxuu isu beddelay istiraatiijiyad is-ururin iyo ka soocnaaan gobolka intiisa kale ah. Waxay dooratay Israa’iil inay nafteeda u aragto Jasiirad Dimoqraaddi ah, oo ay fawdo ku hareeraysan tahay. Sidaas ayay u dooratay inuu dhufayskeedu ku koobnaado gidaarro caaqil ah (smart fences) iyo nidaamyo difaac oo firfircoon, iyo dibugurashada goobo difaac oo nafis ah.

Sidaas ayuu Qasriga Kayntu u noqday eraybixin taban, dhinaca maaddiga ah iyo dhinaca fikirkaba. Waayo Israa’iil waxay iska faquuqday deriskeedii, waxaanay isku koobtay difaaca gidaarka gadaashiisa. Taasina waxay keentay inuu Bariga Dhexe si iskii ah isu qaabeeyo, iyada aany Israa’iil ku lug lahayn. Laakiin sida uu caddeeyay dagaalkii 07 Oktoobbar 2023, gidaar keliyi weligii kuma filnaanayo deegaan colaadi ka jirto.

Madhnaanta juqasiyaasadeed ee ka dhalatay laciifista awoodihii duugga ahaa, iyo burburka ku yimi talisyada gobolka qaarkood Gu’gii Carabta, waxa buuxiyay markiiba himilooyinka xuurtaysi (dominance) ee Turkiga iyo Iiraan. Taasina waxay Israa’iil ku dhalisay, inay garato in jidka keliya ee ay ku jiri kartaa uu yahay inaanay gidaarka ku dhuummanin, ee ay noqoto ciyaartoy saamayn leh oo barxadda gobolka ka dheela.

Sidaas awgeed, dhaqdhaqaaqyadii degdegga iyo daraamada lahaa ee dhacay toddobaadyadii ugu danbeeyay, ee uu ugu sarreeyay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland, waxay tilmaamaysaa dhalashada caqiido Istiraatijiyadeed oo cusub, taas oo ah ISBAHAYSIGA HINDIYA ILAA KUUSH. Kuushna waa gobolka dhaca Koonfurta Masar iyo Waqooyga Suudaan.

Caqiiddadani waxay ka dhigaysaa Israa’iil wadnaha isbahaysi ku taagan afar tiir: Hindiya oo bariga ah, Itoobiya oo Koonfurta ah, Azerbijaan oo Waqooyiga ah, iyo Giriigga iyo Qubrus oo galbeedka ah.

Isbahaysigani maaha mid tamashlayn loo sameeyay, balse waa lamahuraan istiraatiijiyeed, si looga hortago mashruuca Turkiga ee doonaya inuu wax xuurteeyo, kaas oo gaadhay figtiisa markii uu salka dhigtay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba Soomaaliya iyo Liibiya. Wuxuu doonayaa Turkigu inuu dhammaystiro “saddexgeeska awoodda” ee sii mara Suuriya, si loo gaadho dhulkii imbiraadooyidda Cusmaaniyiinta ee hore, iyada oo laga duulayo siyaasadda “Cusmaaniyada Cusub” taas oo uu calankeeda sido madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayid Ardoogaan.

Saddexgeeskaasi, haddii uu dhammaystirno wuxuu gelayaa bartii uu ka baxay “garabkii Shiicigu”, kaas oo ay Israa’iil si wayn u dhantaashay labadii sanno ee ugu danbeeyay. Isla markaana wuxuu dabrayaa dhaqdhaqaaqa Israa’iil, waxaanu adkaynayaa inay gaadho badhaadheheeda Bariga Dhexe. Iyada oo arrinkaas la eegayo Israa’iil way ku saxan tahay inay cadaadisyo adag saarto nidaamka Suuriya, oo aanay ku dhicin dabinka heshiiska nabadgalyo ee uu Turkigu suuqgeynayo.

Isbahaysigan geeskiisa koonfureed waxa halbawle u ah Itoobiya, taas oo ah garab lamahuraan u ah xasilloonida gobolka. Waa dawlad tirada dadkeedu gaadhayo 140 milyan, isla markaana leh mid ka mid ah dhaqaalayaasha ugu korriinka badan caalamka.

Dawladdan weyni waxay dhistay sannadkii 2025 mashruuca biyaxidheenka Kacaanka (GERD), taas oo ay ku xaqiijisay madaxbannaani dhanka tamarta ah, iyo inay gacanta ku dhigtay maamulka dhammayska tiran ee webiga Niil. Hasayeeshee, jabkii ka soo gaadhay Ereteriya sannadkii 1991, wuxuu ka dhigay go’doon aan bad lahayn, iyada oo ay ku hareeraysan yihiin dawlado cadow ah, oo uu taageero Turkigu, kuwaas oo doonaya inay go’doomiyaan.

Iyaga oo xayndaabkaas ka ordaya, sannad kahor, waxay wada saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliland is-afgarad keenaya in Itoobiya laga kireeyo 20 KM oo xeebta Soomaaliland ah muddo 50 sanno ah, iyada oo lagu beddelanayo inay Itoobiya si dhab ah uga fikirto aqoonsiga madaxbannaanida Soomaaliland.

Halkan ayay Soomaaliland muuqaalka ka soo gelaysaa, waayo maaha gobol keliya, balse waxay metelaysaa isleeg juqasiyaasadeed oo heersare ah. Waxay dhacdaa Soomaaliland marin halbawleh ah oo taga Badda Cas, taas oo ay maraan in ku dhow 30% dhaqdhaqaaqa koontiinarrada caalamiga ahi. Dhinaca kale ee marinkaas yarna waxa dhaca Yemen iyo Xuuthiyiinta.

Haddaba, aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland wuxuu sharciyad siinayaa is-afgaradkii ay la gashay Itoobiya, taasina waxay ka caawinaysaa Adis Ababa inay waajahdo go’doominta Turkiga, Masar iyo Ereteriya ee dabraya tallaabooyinkeeda. Taas waxa ka sii muhiimsan, wuxuu ka xannibayaa Itoobiya saamaynta Turkiga ee Muqdisho, waxaanu bir dhexdhigayaa mashruuca udubdhexaadka ah ee Turkigu gobolka ka wado.

Dhinaca kale ee caalamka, gaar ahaan Eeshiya, Naariindaraa Moodhi, oo ah hoggaamiyaha aasaasay Hindiyada Cusub, markii saddexaad oo xidhiidh ahna xukunka hayaa, wuxuu gartay dheesha socota, waxaanu Itoobiya u doortay inay noqoto udubdhexaadkiisa barxadda Geeska Afrika.

Dhawr toddobaad kahor wuxuu soo gabagabeeyay booqasho taariikhi ah, oo uu ku tegay Itoobiya, waxaanu si toos ah oo aan gabbasho lahayn uga hadlay yoolalkiisa uu ka leeyahay gobolka. Tani waxay muujinaysaa inay Moodhi ka go’an tahay inuu dalkiisu yeesho madaxbannaani istaraatiiji ah oo dhammaystiran, isaga oo ka faa’idaysanaya goobta jaadgooniga ah ee ay Hindiya ku taallo, marka la eego loolanka Shiinaha iyo Maraykanka u dhexeeya.

Tani waxay ka dhalatay Istiraatiijiyaddii Amniga Qaranka, ee uu baahiyay Aqalka Cadi toddobaado kahor, taas oo Hindiya u jidaysay yool kooban oo ah, “Dhawrista danaha Maraykanka ee Badweynta Deggan”. Isaga oo ka biyadiidsan aragtidan gaaban ee Maraykanku ka qabo Hindiya, ayuu dhaqdhaqaaq sameeyay Moodhi, si uu u caddeeyo inaanay ahayn  Niyuuw Delhi agab gacanta ugu jira awood weyn (sida Maraykanka).

Wuxuu muujiyay Moodhi madaxbannaani marla-arag ah kadib markii uu la kulmay madaxweynaha Shiinaha Shii Jiin Biing iyo Madaxweynaha Ruushka Filaadamiir Buutin, isaga oo isla xilligaasna wadahadallo adag kula jira maamulka Doonald Taraam. Awoodda Moodhi waxay dhabarka ku haysaa cudud milatari, oo ka soo muuqatay dagaalkii ugu danbeeyay ee uu dalkiisu la galay cadawgooda nugliyeerka haysta ee muslinka ah (Baakistaan) oo ay ka gacansarreeyeen.

Dareenkan ammaan iyo cududdan milatari wuxuu u turjumay Moodhi caqiido badeed oo muddo dheer ah, taas oo ah inuu dhiso kolonyo badeed oo ah ta ugu awoodda weyn barxadda Badweynta Hindiya. Caqiiddadaasi waxay u hirgelinaysaa Hindiya inay xuurtayso jidka ganacsiga ee halbawlaha ah ee fidsan marinka Hormoss iyo afaafka Badda Cas, ee Jabuuti iyo Soomaaliland.

Waa halkaas barta ay ku kulmayaan danaha Israa’iil iyo kuwa Hindiya ee Afrika, sidaasna waxa jaanqaad cusub u helay isbahaysiga Talaabiib iyo Niyuu Delhi, kadib booqashii Moodhi ee Adiis Ababa. Isbahaysigaasi waa mishiinka ka danbeeya garabka Hindiya Illaa Kuush, kaas oo yoolkiisu yahay jebinta isbalaadhinta Turkiga, iyo aasaasidda dheellitir juqasiyaasadeed oo cusub.

Gunaanadkii, aqoonsiga Soomaaliland waa xubin ka mid ah caqiiddada amniga qaranka ee Israa’iil. Waa goobo aasaasi ah oo ka mid ah shaxanka (puzzle) midaynaya mashruucan oo dhan. Waayo, waxay u fududaynaysaa Israa’iil inay awooddeeda gayso meel ka baxsan xuduuddeeda, iyo inay ilaashato jidadka ganacsiga ee halbawlaha ah, iyo inay isbahaysiyo la samaysato awoodo caalami ah, iyada oo laga duulayo danaha wadaagga ah.

Sidaas si la mid ah, wuxuu muujiyay shirkii saddexgeesoodka ahaa ee ka dhacay Quddus, ee dhexmaray Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus, inay Israa’iil ka baxday Qasrigii Kaynta ku yaallay, oo ay noqotay ciyaartoy saamayn leh, oo u rogaya awooddiisa tignoolajiyadeed iyo tiisa milatari dheef siyaasadeed, oo beddelaysa wejiga Bariga Dhexe, ee ka bilaabma Hindiya kuna dhammaada Kuush.

_______

Turjume: Cali Ileeye

Qoraa, abwaan, turjumaa iyo gorfeeye wax ka qora arrimaha suugaanta, diimaha, siyaasadda, horumarinta nafta iyo wacyiga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this