Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyaal ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex wariye oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegayaan ilo rasmi ah iyo warbixinno warbaahineed.

Weerarkan oo dhacay maalintii Sabtida ayaa ka dhacay koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullah.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah wariyeyaasha, halka duqeyn labaad oo xigtay ay haleeshay shaqaale gurmad ah oo u socday goobta si ay u badbaadiyaan dhaawacyada, taasoo sababtay dhimasho dheeraad ah.
Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka si toos ah loo bartilmaameedsaday iyagoo ku sii jeeday goobta weerarka, arrintaas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo badqabka howlwadeennada caafimaadka iyo warbaahinta.

Sida ay wasaaraddu tilmaantay, in ka badan 50 shaqaale caafimaad ayaa lagu dilay Lubnaan tan iyo markii uu sii xoogeystay dagaalku, iyadoo sagaal ka mid ah ay ku dhinteen hal maalin gudaheed oo keliya.

Tani waxay muujinaysaa, sida ay sheegtay wasaaraddu, koror ku yimid weerarrada lala beegsanayo xarumaha iyo shaqaalaha caafimaadka.

Si kastaba haahaatee, Israa’iili  ayaa horay u sheegtay in kooxda Xisbullah ay adeegsanayso xarumaha caafimaadka ujeeddooyin milatari, iyagoo uga digay in isbitaallada la beegsan karo haddii xaaladdu sidaas sii ahaato.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this