Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

​Xaaladda gobolka Bay iyo magaalada Baydhabo ayaa gashay weji cusub oo xasaasi ah, ka dib markii ay isku biireen dhaqdhaqaaqyo ciidan, weeraro jid-gal ah iyo xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka.

Saaka ciidamo ka tirsan kuwa “Badbaadada Koonfur Galbeed” oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa la kulmay weerar gaadmo ah oo ay jidka u galeen kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ka dhashay, inkastoo ciidamada la weeraray ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan kooxdii soo duushay.

​Dhinaca kale, waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda ka dib markii diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka fuliyeen agagaarka deegaanka Deynuunaay, kuwaas oo lala beegsaday goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen xoogagii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u dhaliilay tallaabadan, isagoo ku sifeeyay ayaan darro weyn in diyaaradaha dowladda Turkiga loo adeegsado magaalooyinka Koonfur Galbeed, xilli ciidanka dowladda federaalka ay kaabiga ku hayaan Baydhabo si ay Madaxweyne Laftagareen ugu qasbaa in uu ka laabto hannaanka doorasho ee lagu muransan yahay.

​Magaalada Baydhabo ayaa hadda ku jirta xaalad go’doon ah, iyadoo boqolaal askari oo ka soo ruqaansaday dhanka Bardaale ay magaalada si ay uga hor yimaadaan muddo kororsiga maamulka ka jira, taas oo sii kicisay cabsida laga qabo in dagaal sokeeye uu ka dhex qarxo gudaha magaalada.

Midowga Afrika ayaa iyagoo ka duulaya xaaladdan kakan soo saaray bayaan degdeg ah, iyagoo ku baaqay is-xakameyn buuxda iyo in khilaafka lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, si looga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac hubeysan oo dhiig badani ku daato.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this