Deeq A. Posted 12 hours ago Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay dagaal culus oo ka dhacay agagaarka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay, kadib markii ay iska caabiyeen weerar dhabagal ah oo ay isku dayeen maleeshiyaadka Shabaab. Dagaalkan ayaa horseeday in kooxda Shabaab lagu gaarsiiyo khasaare xooggan, waxaana goobta looga dilay 21 maleeshiyo halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka Daynuunaay, kaas oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira wadada muhiimka ah ee Baydhabo iyo Muqdisho. Wasaaradda Gaashaandhigga oo soo saartay warkaan ayaa xaqiijisay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshihii maleeshiyaadka, iyadoo lagu jiro xilli ay socdaan howlgalada lagu sugayo amniga wadooyinka waa weyn ee gobolka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay dib ka soo gudbin doonto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo xaaladda guud ee deegaanka marka ay soo baxaan wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya aagga dagaalka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites