Sign in to follow this  
Deeq A.

​DF Soomaaliya oo Eedaymo Culus u Jeedisay Madaxdii Hore ee Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

​Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed xasaasi ah oo ay si adag ugu cambaareysay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in labadan mas’uul ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, iyagoo fulinaya heshiisyo ay horey ula galeen.

Dowladda ayaa ku eedeysay inay maanta baahiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, ujeedkuna yahay in lagu difaaco maleeshiyaadka Al-Shabaab ee lagu jebiyay dagaalka.

​dhinaca kale, dowladda ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal ay Ciidanka Qalabka Sida ka fuliyeen deegaanka Daynuunay ee Gobolka Bay, halkaas oo ay cagta ku mariyeen jidgooyooyin u yaallay kooxda.

Hawlgalkaas ayaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo lagu guulaystay in la burburiyo isbaarooyinkii ay halkaas ku lahaayeen.

Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqday in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkaas iyo cid kasta oo ku lug yeelata falalka argagixisada, iyadoo isla markaana u mahadcelisay saaxiibada caalamka ee garabka weyn ka siiya Ciidanka Qaranka dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabad-diidka ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this