Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbedelada Juqraafiyeed ee Gobolka iyo Bariga Dhexe oo Qaabaynaya Muhiimadda Dekeda Berbera”

Recommended Posts

Deeq A.   

19-3.png

Cilmi-baadhis uu sameeyay Machadka The Nordic Africa Institute ayaa shaacisay in isbeddellada siyaasadda juqraafiyeed ee Geeska Afrika iyo colaadda Bariga Dhexe ay saamayn ballaadhan ku yeelanayaan dheelitirka awoodda gobolka. Warbixintu waxay tilmaamtay in arrintani kor u qaadeyso faa’iidooyinka istiraatiijiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaale iyo amni, isla markaana ay hoos u dhigaysa muhiimadda dekedda Djibouti.

Sida ay sheegtay cilmi-baadhistu, khilaafka Bariga Dhexe iyo isbeddellada siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa khatar gelinaya doorka istiraatiijiyadeed ee Jabuuti, gaar ahaan dekeddeeda oo lagu qiyaasay in uu maro 90% ganacsiga Itoobiya. Mr. Redie Bereketeab, oo ah cilmi-baadhe sare, ayaa tilmaamay in isbeddellada dhinaca awoodda iyo horumarinta dekedaha kale ee gobolka, sida dekedda Berbera, ay wiiqayaan kalsoonida muddo dheer ee Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada ganacsi, dhaqaale iyo amni.

Warbixinta oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan, waxay intaasi raacisay “Bishii Diseembar 2025, Israel waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsaday Somaliland. Tallaabadan waxaa khubaro badani u arkeen guul diblomaasiyadeed oo Somaliland gaadhay iyo isku day ay Israa’iil ku doonayso in lagu helo saldhig militari oo gobolka ah.”

Sidoo kale, cilmi-baadhistan oo soo xiganaysa Mr. Redie Bereketeab oo ah khabiir sare oo ku takhakhusay daraasaadka iyo cilmi-baadhista ayaa intaasi ku dartay “Isku dayga Israa’iil ee ah inay saldhig milatari ka samaysato meel u dhow Dekedda Berbera, oo ku taalla Somaliland, wuxuu noqonayaa dhaawac dhaqaale oo weyn oo soo gaadha Jabuuti. Waxaa had iyo jeer jirtay khatar ah in Itoobiya ay raadinayso deked ammaan ah oo beddel u noqota dekedda Jabuuti.”

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Dekedda Berbera casriyayn iyo dib u habayn ballaadhan lagu sameeyay, loo diyaariyay inay noqoto albaab ganacsi oo muhiim u ah ganacsiga Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, taasoo caqabad ku noqonaysa awoodda muddada-dheer ee Jabuuti. Waxaana lagu yidhi “Isbeddelladani waxay muujinayaan nuglaanta qaab dhismeedka-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Jabuuti.”

Warbixintu waxay intaasi raacisay “Sidoo kale, isbeddelladu waxay muujinayaan jilicsanaanta qaab-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Jabuuti ku dhistay booskeeda istiraatiijiyadeed iyo joogitaanka ciidamada shisheeye. Jabuuti waxay ka faa’iidaysatay loolanka quwadaha shisheeye iyo booskeeda juqraafiyadeed, laakiin sida hadda muuqata, haddii dheelitirka awoodda ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo Geeska Afrika uu isbeddelo, Jabuuti waxay si dhab ah u lumin doontaa doorkeeda istiraatiijiyadeed ee gobolka, waxayna noqon doontaa mid aad ugu nugul cawaaqib xumada ka dhalata arrimahaas.”

Ahmed Saleebaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this