Deeq A. Posted yesterday at 04:00 AM Washington (Caasimada Online) – Xilli qiimaha tamarta adduunka uu cirka isku sii shareerayo, isla markaana ay hoos u dhacday taageerada shacabka, Madaxweyne Donald Trump ayaa wajahaya doorasho aad u adag kadib bil uu socday dagaalka ka dhanka ah Iiraan: in uu aqbalo heshiis aan dhameystirneyn oo uu ciidamadiisa kula baxo, ama in uu sii xoojiyo dagaalka oo uu wajaho olole milatari oo daba-dheeraada, kaas oo dhaawici kara sumcaddiisa madaxweynenimo. In kasta oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo xooggan, Trump ayaa soo xiraya asbuuc kale oo ka mid ah ololaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil isaga oo wali la daalaa-dhacaya sidii uu u xakameyn lahaa xiisadda ku sii baaheysa Bariga Dhexe. Iiraan ayaa wali muujineysa madax adeyg, iyada oo cunaqabateyn saartay shidaalka iyo gaaska ka dhoofa Gacanka, sidoo kalena sii wadda weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee ay ka fulineyso gobolka. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in su’aasha ugu weyn ay hadda tahay in Trump uu isu diyaarinayo inuu dagaalka dejiyo, mise uu sare u qaadayo. Dadka naqdiya ayaa ku tilmaamay dagaalkan mid si ikhtiyaari ah loo doortay, kaas oo sababay jugtii ugu weynayd ee abid ku dhacda sahayda tamarta caalamiga ah, isla markaana saameyntiisu ay gaartay meelo ka fog gobolka. Trump ayaa la-taliyeyaashiisa u sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado “dagaal aan dhammaad lahayn” isla markaana uu helo waddo wada-hadal lagu soo afjaro colaadda. Sida uu sheegay sarkaal sare oo Aqalka Cad ka tirsan, wuxuu ku boorriyey saraakiisha la shaqeysa inay xoojiyaan muddada afar ilaa lix toddobaad ah ee uu si fagaare ah uga hadlay in dagaalku socon karo, hase yeeshee isla sarkaalkaas ayaa intaas ku daray in waqtigaasi uu hadda u muuqdo mid sii mugdi gelaya. Dhanka kale, Trump wuxuu ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo militari oo ka ballaaran tan hadda jirta haddii diblomaasiyaddu fashilanto. Xiriirkii uu la sameeyey Tehran, oo ay ku jirto qorshe nabadeed oo ka kooban 15 qodob oo loo mariyey waddo diblomaasiyadeed oo Pakistan ah, ayaa muujiyey dadaal sii kordhaya oo uu ku raadinayo dariiq uu uga baxo colaadda. Si kastaba, weli ma cadda in wadahadallo macno leh ay suurta-gal yihiin. “Madaxweyne Trump hortiisa waxaa yaalla doorashooyin aad u liita marka la eego sida uu dagaalkan ku soo afjari karo,” ayuu yiri Jonathan Panikoff, oo hore u ahaa ku-xigeenka sarkaalka sirdoonka qaranka Mareykanka u qaabilsanaa Bariga Dhexe. “Qeyb ka mid ah dhibaatada waxay tahay in aan weli si cad loo garanayn waxa natiijo lagu qanci karo ay ahaan lahayd.” Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in ololahan militari uu dhammaan doono oo keliya marka Trump uu go’aansado in yoolalka Mareykanka la gaaray, isaga oo ku adkeystay in ujeeddooyinkaasi ay si cad u qeexnaayeen. Trump wuxuu hadda u muuqdaa mid dhinacyo kala duwan eegaya. Wuxuu kumannaan askari oo dheeraad ah u dirayaa gobolka, isagoo isla waqtigaas uga digaya Iran weerar ka xooggan haddii ay diido shuruudihiisa. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in bandhigga xooggaasi uu ujeedkiisu noqon karo in Tehran lagu cadaadiyo tanaasul, balse sidoo kale uu halis u yahay inuu Washington geliyo dagaal sii dheeraada. Haddii ciidamo dhulka ah oo Mareykan ah la geeyo gudaha Iran, taasi waxay si weyn uga careysiin doontaa codbixiyeyaal badan oo Mareykan ah. Qorshe kale oo hadda laga hadlayo ayaa ah in la qaado weerar cirka ah oo aad u weyn oo kama dambeys ah, kaas oo loo bixiyey “Operation Epic Fury,” si loo sii wiiqo awoodda militari iyo kaabeyaasha nukliyeerka ee Iran. Kadibna Trump wuxuu ku dhawaaqi karaa guul, isagoo ku doodaya in ujeeddooyinkii Mareykanka la gaaray. Hase yeeshee, ku dhawaaqis noocaas ah waxay u muuqan lahayd mid aan dhameystirneyn haddii aan si buuxda dib loogu furin marin-biyoodka Hormuz, oo ah marinka ugu muhiimsan sahayda tamarta caalamka. Iran ayaa illaa hadda diidday inay oggolaato arrintaas. Trump wuxuu sidoo kale muujiyey caro ku aaddan in xulafada Yurub aysan soo dirin maraakiib dagaal oo gacan ka gaysta sugidda marinkaasi. Trump oo muddo dheer ballanqaadi jiray inuu Mareykanka ka fogeyn doono colaadaha dibadda, ayaa hadda u muuqda mid ku dhibtoonaya xakamaynta dagaal uu isagu la bilaabay Israel. Inkastoo uu weli isku dayayo inuu muujiyo kalsooni, haddana farriimihiisa dadweynaha wuxuu ku sii kordhiyey hab uu ku dejinayo suuqyada dhaqaalaha, isagoo la-taliyeyaasha ku riixaya inay muujiyaan in dagaalku dhowaan dhammaan doono, sida uu sheegay sarkaalka sare ee Aqalka Cad. Maqnaanshaha istiraatiijiyad cad oo looga baxo dagaalka ayaa khatar siyaasadeed u abuuraya Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga, xilli Jamhuuriyiintu isku dayayaan inay ilaashadaan aqlabiyadooda yar ee Congress-ka ka hor doorashooyinka dhexe ee bisha November. Mid ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee Trump, sida ay falanqeeyayaashu sheegayaan, wuxuu ahaa inuu si hoose u qiyaasay jawaabta aargoosiga ee Tehran. Iran waxay adeegsatay gantaalladii iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u harsanaa si ay u garaacdo Israel iyo dowladaha dariska la ah ee Khaliijka, waxayna si weyn u xirtay marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo qiyaastii shan-meelood meel saliidda dunida ay marto. Carqaladeyntaas ayaa gilgishay dhaqaalaha caalamka. “Sharadka dowladda Iran waa inay awood u leedahay inay xanuun badan qaadato muddo ka dheer kuwa la dagaallamaya, waxaana suuragal ah inay saxan yihiin,” ayuu yiri Jon Alterman oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah. Aqalka Cad wuxuu sheegay in Trump iyo kooxdiisu ay hore ugu diyaar garoobeen jawaabta Iran ee marinka Hormuz, islamarkaana ay weli ku kalsoon yihiin in maraakiibtu mar dhow dib u bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqooda. Si kastaba, walaaca sii kordhaya ee Trump wuxuu si muuqata u soo baxay Isniintii, markii uu ka laabtay hanjabaad uu ku burburin lahaa korontada Iran haddii aan dib loo bilaabin maraakiibta. Tallaabo si weyn loogu fasiray isku day lagu dejinayo suuqyada ayuu ku dhawaaqay hakad shan maalmood ah si diblomaasiyaddu fursad u hesho, kadibna Khamiistii ayuu muddadaas ugu daray 10 maalmood oo kale. Cadaadis gudaha ah ayaa sidoo kale isa soo taraya. Ra’yi ururinno la sameeyey waxay muujinayaan in dagaalku si weyn uga dhex muuqdo mid aan shacabka Mareykanka jeclayn. Inkastoo qeyb weyn oo ka mid ah taageerayaasha Trump ee MAGA ay weli la safan yihiin, haddana taageeradaas way daciifi kartaa haddii saameynta dhaqaale, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo sare u kaca, ay sii socoto. Ra’yi ururin ay Reuters/Ipsos dhammeystirtay Isniintii ayaa muujisay in heerka taageerada Trump ay hoos ugu dhacday 36%, taasoo noqotay tii ugu hooseysay tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad. Sida uu sheegay sarkaal sare oo hore uga tirsanaa maamulkiisa, Aqalka Cad wuxuu sii kordhiyey walaaca uu ka qabo saameynta siyaasadeed ee dagaalkan, gaar ahaan iyadoo xildhibaanada Jamhuuriga ay ka welwelsan yihiin doorashooyinka dhexe. Calaamado muujinaya walaac gudaha xisbiga Jamhuuriga ah ayaa durba soo baxaya. Mike Rogers, oo ah guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Hubeysan ee Aqalka Wakiillada, ayaa Khamiistii ku dhaliilay maamulka inuu ku guuldareystay bixinta macluumaad ku filan oo ku saabsan baaxadda ololaha ka dhanka ah Iran. Aqalka Cad ayaa arrintaas si degdeg ah uga jawaabay, isagoo sheegay in Congress-ka marar badan la siiyey warbixinno kahor iyo intii uu dagaalku socday. Dhanka diblomaasiyadda, xaaladdu weli waa cakiran tahay. Qorshaha 15-ka qodob ah ee Trump wuxuu u egyahay soo-jeedinno ay Iran hore u diidday kahor dagaalka, wuxuuna xambaarsan yahay shuruudo aad u adag in la hirgeliyo, laga bilaabo burburinta barnaamijkeeda nukliyeerka iyo xaddidaadda gantaalladeeda, ilaa ka tagista kooxaha wakiillada u ah iyo in si dhab ah gacanta looga bixiyo marinka Hormuz. Iran waxay ku tilmaantay qorshahaasi mid aan cadaalad ahayn oo aan waaqici ahayn, inkastoo aysan si buuxda u xirin albaabka xiriirro dadban. Trump ayaa Khamiistii ku adkeystay in Iran ay “baryeyso” heshiis, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in hoggaanka Tehran uu aaminsan yahay inay guul sheegan karaan kaliya haddii ay sii noolaadaan oo ay istaagaan. Diblomaasiyadda waxaa sii adkeeyey dilalka loo geystay mas’uuliyiin sare oo Iranian ah intii lagu jiray duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israel, iyadoo qaar kamid ah xilalkaas lagu beddelay dad ka adag kuwii hore. Hoggaanka Iran wuxuu si qoto dheer u aaminsan yahay inaan Trump lagu kalsoonaan karin, gaar ahaan kadib markii uu laba jeer duqeymo qaaday sanadkii tegay xilli wadahadallo ay weli socdeen. Aqalka Cad wuxuu sheegay in Trump uu weli u furan yahay diblomaasiyad, balse wuxuu uga digay Iran inay wajihi doonto weerarro ka sii daran haddii ay diido inay aqbasho xaqiiqooyinka cusub ee ka dhashay dagaalka. Saraakiil Israeli ah ayaa si hoose u muujiyey walaac ah in Trump uu bixin karo tanaasulaad xaddidi kara tallaabooyinka militari ee mustaqbalka ee Israel. Xulafada Khaliijka ayaa iyaguna ka cadhoon kara haddii Mareykanku si degdeg ah uga baxo colaadda, isaga oo uga tegaya Iran dhaawacantay balse weli cadowtinimo weyn qabta. Haatan, Trump wuxuu sii wadaa farriimo is-khilaafsan, marna wuxuu isku dayayaa inuu dejiyo suuqyada, marna wuxuu dirayaa hanjabaado sare u qaadaya qiimaha tamarta. “Trump wuxuu ku shaqeeyaa calaamado isdiidan,” ayay tiri Laura Blumenfeld oo ka tirsan Johns Hopkins SAIS. “Waa hal nin oo keliya oo isu rogay mashiin gudbinaya jahawareerka dagaalka si uu uga dhigo kuwa ka soo horjeeda kuwo aan isu dheellitirneyn.” The post Dagaalka Iiraan: Trump oo ay haysato laba daran mid dooro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites