Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan oo sheegtay in ay soo riday diyaarad dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   
1000149070.jpg

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay intii uu socday dagaalka Bariga Dhexe in ay soo riday diyaarad dagaal oo nooca F-18 ah, taas oo leeyahay Maraykanka.

War ka soo baxay ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in diyaaradan oo maraysay koonfurta Iiraan ay duqeeyeen ciidamada badda, islamarkaana ay ku burburtay badweynta Hindiya.

Dhanka kale Maraykanka ayaa beeniyay in wax diyaarad ah laga soo riday, isaga oo warkaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegay in warkaas aanu run ahay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this