Deeq A. Posted Thursday at 02:44 PM Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in tacaddi lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, islamarkaana hoygiisa Muqdisho la dul-dhigay ciidan oo xorriyada laga qaaday. Farmaajo wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu qaaday waddadii kali-talisnimada, isago oo sheegay in ay sii kordhayso beegsiga nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo wasiirrada, Xlxildhibaannada, saraakiisha iyo mas-uuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ku baaqay in degdeg ah xorriyadiisa loo siiyo Taliye Shub, isagoo uga digay madaxweyne Xasan Sheekh ku takri-fal awoodeed. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites