Deeq A. Posted Thursday at 10:12 PM Magaalada Garoowe waxaa caawa ka dhacay shir ay yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland, kuwaas oo mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni. Xildhibaanadan oo gaarayay labaatan mudane, islamarkaana ku shiray mid ka mid ah hoteelada magaalada ayaa ajandaha shirkooda ku sheegay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo abaaraha. Waxay intaas ku dareen in shirkooda uu sii socon doono maalmaha soo aadan, iyaga oo xusay in marka uu soo gabagaboobo wixii ka soo baxa la wadaagi doonaan bulshada. Shirkan wuxuu ku soo aaday, xilli lagu wada in madaxweyne Deni uu isku-shaandhayn ku sameeyo golahiisa wasiirrada, islamarkaana uu buuxiyo xilal bannaan oo badan. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites