Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran maxay ka tidhi joojinta dagaalka iyo wada hadalka uu sheegay madaxweynaha Maraykanku

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo ay jiraan warar is khilaafsan oo ku saabsan suurtagalnimada wada-hadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, ayaa sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan waxaa uu u sheegay CBS News, oo bah-wadaag la ah BBC: “Waxaan ka helnay Mareykanka farriinta wadahadalka isagoo noo soo maray dhexdhexaadiyayaal, waxaana ku jirnaa jiraa dib-u-eegis.”

CBS ayaa caddeysay in tallaabadan ay u muuqato mid horey loo qaaday oo wada-hadallo ay aadayaan labada dhinac”, isla markaana aan la xaqiijin ama aanay weli bilaaban wada-hadalladu.

Warkaan ayaa imanaya kadib markii Madaxweyne Trump uu sheegay in Mareykanka iyo Iiraan ay yeesheen wada-hadallo ku saabsan joojinta dagaalka, balse guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan ayaa beeniyay.

Trump ayaa mar kale ku celiyay in Mareykanku uu gaari karo heshiis lagu joojinayo colaadda, kadib markii uu ka laabtay hanjabaado uu ku doonayay inuu ku duqeeyo goobaha tamarta ee Iiraan isla markaana uu dib u dhigay weerarradii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this