Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo lagu riixayo inuu dagaal la galo Xasan – Xogta kulan caawa ka dhacay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
349313398_147396608328112_60086342736037

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda deegaannada Galmudug ayaa caawa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankan oo kusoo aaday xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, ayaa ajendihiisa ugu weyn uu ahaa mowqifka laga sugayo Qoor-Qoor ee ku aaddan wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho ee ay dooneyso Villa Soomaaliya.

Xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qeyb-galay ayaa waxaa kamid ahaa ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin caan ah, sida Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xasan Cali Khayre.

Xubnahan oo si weyn uga aragti duwan dowladda federaalka, gaar ahaan dhanka wax ka beddelka dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka ayaa waxay Qoor-Qoor ku cadaadiyeen inuu caddeeyo mowqifkiisa, si gaar ahna uu uga horyimaado qorshaha Xasan Sheekh.

Intii kulanka socday, waxaa si qoto dheer loogu lafa-guray xaaladda cakiran ee dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha dastuurka, awood-qeybsiga iyo doorashooyinka soo socda. Mucaaradka ayaa soo bandhigay walaac xooggan oo ay ka qabaan jihada uu dalka u socdo.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, madaxda mucaaradka ayaa Madaxweyne Qoor-Qoor u bandhigay inuu si rasmi ah uga horyimaado dastuurka muranka dhaliyay, isla markaana uu ka baxo garabka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii uu qaato go’aankaas, mucaaradka ayaa Qoor-Qoor u ballanqaaday inay si buuxda u garab istaagi doonaan, isla markaana ay la shaqeyn doonaan.

Dhanka kale, haddii uu diido dalabkaas, mucaaradka ayaa sheegay in ay qaadan doonaan mowqif adag oo ka dhan ah, isla markaana ay bilaabi doonaan cadaadis iyo dagaal siyaasadeed oo toos ah, taas oo sii xumeyn karta xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Qoor-Qoor uu kulanka ku muujiyay mowqif cad, isagoo sheegay in uusan laba-labeyn doonin, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka horyimaado Madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddooyinkii dambe uu safkiisa ku jiray.

Ugu dambeyntiina, kulanka caawa ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad iyo ballan-qaadyo cad, iyadoo hadda si weyn loo sugayo tallaabada siyaasadeed ee xigta ee uu qaadi doono Madaxweynaha Galmudug.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh luminayo xulafadiisa maamul-goboleedyada, isla markaana uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen inuu ka baxay garabkiisa, uuna iclaamiyay dagaal ka dhan ah.

Lafta-gareen ayaa si adag uga horyimid wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorasho ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo caddeeyay in uu aqoonsan yahay oo keliya dastuurkii 2012.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa taageero iyo garab-istaag weyn u muujiyay Lafta-gareen, waana midda haatan Qoor-Qoor ku riixaysa inuu dib u qaabeeyo xisaabaadkiisa siyaasadeed.

The post Qoor-Qoor oo lagu riixayo inuu dagaal la galo Xasan – Xogta kulan caawa ka dhacay Nairobi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this